Dhismaha Dekedda Degmada Maydh oo Maanta La Bilaabay

0
2022

Maydh (Hargeisa Press) – Waxaa maanta si rasmi ah loo bilaabay bilowga dhismaha cusub ee Dekedda degmada Maydh ee gobolka Sanaag.

Waxaana munaasibad lagu daah-furayay bilowga shaqada dhismaha dekedda degmada Maydh ka qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Yurub Abiib Cabdi.

Sidoo kale, waxa ka soo qayb galay munaasibadda loo qabtay daah furka shaqada dekedda degmada Maydh masuuliyiinta gobolka Sanaag, ka degmada Ceerigaabo, masuuliyiin ka socotay wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga,madax ka socotay shirkadda dhisaysa Dekedda, bulshadda degmada Maydh, hawl wadeeno ka socday Kalluumaysatada dekeda Maydh iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay maayirka degmada Maydh oo soo dhaweeyey dhismaha dekeda Maydh, waxaanu u mahadceliyey Madaxwaynaha Somaliland oo ku dedaalay hirgalinta dekedan waxaanu sheegay in bulshadu ilaashan doonto.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga Ismaaciil Mire iyo guddoomiyaha gobolka Sanaag oo dhammaantood sheegay in dekeddani mihiimad wayn u yeelan doonto degmada Maydh iyo guud ahaan bulshada Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kallumaysiga oo halkaasi ka hadashay, ayaa sheegtay in xukuumaddu fulinayso dekeda, waxaanay shacabka Degmada Maydh kula dardaarantay in laga wada shaqeeyo sidii bulshada Somaliland uga faa’idaysan lahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here