WARQAD FURAN Oo Hogaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Naafada Somaliland Jaamac Ibraahim Cawad U Diray Madaxweynaha Somaliland.

0
39

“Samaynta iyo Hirgelinta Gudida Ilaalinta Xuquuqda Dadka Naafada ah….” Jaamac Ibraahim Cawad.

“Hirgelinta xeer mamnuucaya nooc kastoo takoor ah oo lid ku ah xuquuqda dadka naafada ah.”

Hargeysa,(HargeisaPress)– Hogaamiyaha ruuxiga ah ee naafada Somaliland Jaamac Ibraahim Cawad ayaa ka codsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) inuu u magacaabo la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha naafada Somaliland.

Aqoonyahan sare Jaamac Ibraahim Cawad oo ka mid ah dadka naafada ah ee Somaliland, gaar ahaan kuwa nasiibka u yeeshay inay waxbartaan wakhti hore, ayaa dhambaal fariin ah oo uu u diray Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cadiraxmaan-Cirro) waxa uu tilmaamay in dadka naafada ah leeyihiin xaq iyo xaquuq la mid ah ta dadka kale ee laxaadka qaba oo iyagu metelaad buuxda ku leh xukuumadda cusub ee dan qaran, sidaadarteed, Jaamac oo ah aqoonyahan leh khibrad iyo waayo-aragnimo shaqo oo dhowr soddon sanno ah, waxa uu si naxariis leh madaxweynahiisa uga codsaday inuu u magacaabo xilka la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha naafada Somaliland. si ay meesha uga baxdo xidhiidh la’aantii hore ee dadka naafada ah iyo madaxweynahooda.

Waraaq furan oo xambaarsan fariinta Aqoonyahan sare Jaamac Ibraahim Cawad u diray Madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa nuqul ka mid ah oo maanta soo gaadhay shabakada wararka ee #HayaanNews,isagoo faah-faahsan waxa uu u dhignaa sidan:

“Maanta oo taariikhdu tahay 8dii January 2025,waxaan halkan fariin u marinayaa Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Mudane Madaxweyne Magacaygu waa Jaamac Ibraahim Cawed. Waxaan kamid ahay Dadka Naafada ah ee JSL ee nasiibka u yeeshay inay wax bartaan waqti hore.
Waxaan leeyahay aqoon heer Jaamacadeed ah.Waxaan ku takhasusay mashaariicda horumarinta bulshada iyo ilaalinta xuquuqda bini’aadamka. Waxaan leeyahay khibrad shaqo oo 30 sano ah. Waxaan ka soo shaqeeyey Hay’ado Caalami ah, Hay’ado Wadani ah iyo kuwo Dawliyaba oo aan lataliye ka soo noqday. Shaqooyinkaas aan ka soo shaqeeyey ka sokow, u ololaynta xuquuqda dadka naafada ah waxay ka mid ahayd shaqooyinkayga tan ugu muhiimsan ee aan sida mutadawacnimada ah aan uga shaqaynayey Mudadii ay Somaliland Jirtey.
Si kastaba xaalku ha ahaadee, laga soo bilaabo sanadkii 2017, waxaan ka mid ahaa xisbiga Wadani ee aad hogaaminaysey anigoo waqtigayga u huray sidii uu xisbiga Wadani ugu guuleysan lahaa talada dalka si ay iigu rumowdo isbedelkii aan doonayey. Anigoo ah qof Naafo ah islamarkaana ah nin saaxibul ciyaal ah oo u baahan dhaqaale uu ku maareeyo nolosha iyo waxbarashada caruurtiisa, waxaan hadana u adkaystey duruuftii shaqala’aaneed, anigoo aaminsanaa in markaad ku guuleysato xilka inaan gelayo maalmihii wacnaa ee aan filayey inay soo socdaan.
Nasiib xumo tan iyo maalintii aynu ku guuleysaney xilka waxaa Waddo kastoo suurto-gal ah u maray sidii aan CV-gayga amase fariintayda ku soo gaadhsiin lahaa amase aan kugula kulmi lahaa taas oo aan xaq u leeyahay sida muwaadiniinta kale-ba xaqa ugu leeyihiin. Nasiib Xumo sinaba way iigu suurto-geli weydey Takoorkii weligayaba nalagu hayey iyo Duruuftii Naafonimo awgood.

Sidaas darteed waxaan u arkay in Saxaafadda madaxa bannaan ee maanta kala hadlayaa tahay wadada keliya ee aan madaxweyne kugu soo gaadhsiin karo fariintayda. Mudane Madaxweyne Fariinta aan halkan kaaga soo gudbinayaa waxa weeye inaan kuu sheego inaanan xitaa Maalin, Bil iyo muddo ka badan midnaba aanan sii shaqo la’aan karayn wixii maanta ka dambeeya maadaama aan Qoys balaadhan oo caruur u badan oo Nolol iyo Waxbarasho u baahan ka masuul ahay.
Si hadaba aan fursad shaqo oo aan Caruurtayda Baahiyahooda Nololeed iyo waxbarasho ku daboolo u helo, Waxaan Madaxweyne si sharaf iyo maamuus leh kaaga Codsanayaa inaad 2 arimood midkood sida ugu dhakhsaha badan iigu suurto geliso:

1) Inaad ii magacawdo la-Taliyaha Madaxweynaha ee arimaha Naafada JSL. Jagadaas oo ah xil aanu hore u lahayn haddii aanu nahay dadka naafada ah. Xilkaas oo uu madaxweyne Muuse Biixi uu u magacaabay marxuum naga mid ahaa kaas oo dhowaan geeriyoodey mudadii aad Madaxweynaha ahaydna banaanayd. Waxaan isu arkaa inaan ahay ninka ugu aqoonta badan ee kaala shaqayn kara inaad wax weyn oo lataaban karo ka qabatid nolosha dadka naafada ah mudadaad xilka hayso.

Mudane Madaxweyne, Haddii aad Xilkaas ii magacawdo, waxaan xukuumadaada ka caawin doonaa inay xaqiijiso waxyaabahan soo socda mudada aad xilka hayso:
1.1. In Somaliland ay si buuxda uga hortagto dhammaan waxyaabaha keena Naafanimada oo maalinba maalinta kadambaysa sii kordhinaya tirada dadka naafada ah.

1.2. Hormarinta adeegyo dhaqan-celineed iyo caafimaad oo tayo leh kuwaas oo u suurto gelinaya inay dadka naafada ahi si buuxda uga qaybgalaan dhammaan arimaha bulshada,dhaqaalaha iyo siyaasada-ba.

1.3. Abuurista Deegaan iyo Dhismayaal ay dadka Naafada ahi si fudud u isticmaali karaan sida dadka kale si ay uga qaybgalaan dhammaan Fursadaha dalkeena ka jira.

1.4. Hirgelinta xeer mamnuucaya nooc kastoo takoor ah oo lid ku ah xuquuqda dadka naafada ah.

1.5. Horumarinta waxbarashada Dadka Naafada ah si ay dhammaan iskuulada iyo Jaamacadaha dalkeenu kuwo ay dadka naafada ah iyo kuwa aan naafada ahayn si isku mid ah u dhigtaan mustaqbalka.

1.6. Samaynta iyo Hirgelinta Gudida Ilaalinta Xuquuqda Dadka Naafada ah taas oo noqon doonta Hay’adda Qaranka uga masuul noqon doonta dhammaan arimaha naafada mustaqbalka.

1.7. Helitaanka Cadaalad sharciga hortiisa sida dadka naafada ahayn iyagoo heli doonaa looyaro isticmaali kara Afka Suul dhabaaalaha ee ay ku hadlaan dadka maqalka ka naafada ah.

1.8. Tayaynta Ururada ay dadka naafada ahi leeyihiin si ay ugu doodaan xuquuqdooda isla markaana u caawiyaan kuwooda tabaalaysan.

Mudane madaxweyne waxaan aad uga werwersanahay in isbedelkii aad hogaaminaysey aniguna aan kuu doortay uu noqdo mid meesha ka saara xilkii uu noo magacaabay madaxweynihii dhowaan xilka ka degey ee Muuse Biixi Cabdi. Xilkaas oo ahaa mid aanu halgan dheer u soo galay haddii aanu naafada nahay.

Jagadaas oo muhiim aanu u aragno inay tahay mid noo suurto gelinaysa inaanu ku xidhnaano madaxtooyada haddii aanu nahay dadka naafada ah. Mudane Madaxweyne, waxaanu werwer weyn ka qabnaa in isbedelkii aad hogaaminaysey uu meesha kasaaro Xilkii keliya ee aanu lahayn haddii aanu nahay Dadka Naafada ah ee ahayd Taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Naafada. Arintaasina waxay noo muuqatay markii aad dhowaan u magacawdey Mujaahid Cali gurey inuu noqdo lataliyahaaga arimaha bulshada oo ay arimaha naafadu ka mid tahay.

Madaxweyne ma waxaad doonaysaa inuu lataliyahaaga arimaha bulshadu kuu ahaado dhakhtarkii cudurada guud oo kale. Arimaha bulshada waxaa ka mid ah caafimaadka, waxbarashadii, cadaaladii, arimaha naafada iyo arimo kale oo farabadan. Siduu buu qof keliya uu kaagala talin karaa waxaas oo dhan.

Waxaan madaxweyne kugula talinayaa inaad ii magacawdo Xilkaas lataliyahaaga arimaha Naafada waayo anigaa ah ninka aqoonta u leh waxay Naafadu u baahan tahay iyo sida wax looga qaban karo arimahooda.

2. Haddii aanay madaxweyne taasi kuu suurto-gelayn oo cid walba oo xukuumadaada ka mid ah aad doonayso inay metesho qabiil sida dhaqanka inaga noqotay, waxaan madaxweyne kaa codsanayaa inaad iisoo magacawdo mid ka mid ah agaasimeyaasha guud ama xilalka kale ee hay’adaha kale ee Qaranka ee aad dhowaan magacaabi doonto si aan u metelo Beesha sacadyoonis ee aan ka soo jeedo taas oo aanad ilaa haatan wax xil ah aanad u magacaabin”.

Mudane Jaamac Ibrahim Cawed
Hogaamiyaha dadka Naafada ah ee Ruuxiga ah
Mobile: +252-634470179
Email: jamaawed9@gmail.com, inabarni@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here