Wariye Bushaaro Baanday oo Sheegtay In Xadhigeedu Uu Sharci Daro Ahaa

0
1646

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wariye Bushaaro Cali Baanday oo shalay laga sii daayay xasbiga, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay sii daynteeda, qaabkii loo qabtay, xukunkeeda iyo dadkii garab istaagay.

Bushaaro Baanday, ayaa shalay laga sii daayay xasbiga kadib markii loo iibiyay 1 sanno oo xadhig ah oo ay maxkamada gobolka Maroodijeex ku xukuntay, xadhigaasi oo ka dhashay laba dambi oo lagu helay.

Wariye Bushaaro oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ay sheegtay in ay sharci daro ku xidhnayd muddo 3 billood ah, ugu danbayna ay cadaalad heshay.

Waxay sidoo kale ay sheegtay in lagu soo eedeeyay danbiyo badan oo aanay gelin, oo ay ka mid tahay in ay ku lug yeelatay falal lagu duminayo Somaliland.

Waxay u mahadcelisay dhamaan dadkii dadaalka ugu jiray in lasii daayo, oo iskugu jiray xildhibaano, qaar ka mid ah madaxda xisbiyada mucaaradka iyo ururada, warbaahin, iyo hay’addaha caalamiga ah.

Bushaaro Baanday oo 15-kii May laga soo xidhay magaalo-xuduudeedka Tog-Wajaale xilli ay dhinaca dalka Itoobiya ka soo tallaabaysay, ayaa lagu haystay eedo ciqaabtoodu qaar ay shan sano ahayd, qaarna afar sano, qaarna saddex sano.

Waxaana lagu waayay eedaymihii loo hasytay qaar ka mid ah, halka lagu helay laba eedaymood oo kala ah, “shaac ka qaadis sir qarsoon” iyo “kicin dadweyne iyo dacaayad ka dhan ah Somaliland.

Bushaaro, ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, waxaana arrintaa walaac ka muujinayay dadka u dooda xuquuda aadanaha iyo Hay’adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee the Committee to Protect Journalist (CPJ), iyagoo hore ugu baaqday in degdeg loo sii daayo Bushaaro.

Waxaa jiray dhaawacyo la sheegay in la gaadhsiiyay Wariye Bushaaro Baanday taas oo hadal hayn badan oo isugu jirta beenin iyo rumeyn ka dhex dhalisay baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here