Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga KULMIYE, ayaa waxaa uu soo saaray shuruudaha looga baahan yahay musharraxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga ee lagu dooranayo shirka golaha dhexe ee xisbiga.
Shirweynaha xisbiga Kulmiye oo qabsoomaya toddobaadka dambe, lagu dooranayaa musharraxiinta xisbiga KULMIYE ku meteli doona tartanka doorashada Madaxtooyada dalka ee soo socota.
Xisbiga, ayaa ku wergeliyay musharaxiinta u tartamaya jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka inay soo xareeyaan waraaq cadaynaysa musharaxnimadooda.
Musharraxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga, ayaa shuruudaha lagu xidhay waxaa ka mid ah Lacag.
Musharaxa u tartamaya jagada Madaxweynaha ee xibsiga, ayaa lagu xidhay inuu bixiyo Lacag dhan 20,000 oo dollar, halka Musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka lagu xidhay 15,000 oo dollar.