Wargeyska Eventbrite Oo Warbixin Ku Falanqeeyay Somaliland  

0
422

Sydney (Hargeisa Press): Warbaahinta caalamiga ah ee Eventbrite, ayaa warbixin ay ka qortay Somaliland waxay ku falan qaysay horumarka kala duwan ee ay somaliland gaadhay iyadoon aqoonsi ka haysa caalamka.

Warbixintan uu qoray  Warbaahinta caalamiga ah ee Eventbrite, ayaa lagu sheegay in jamhuuriyadda Somaliland ay tusaale ugu noqotay caalamka oo dhan marka laga hadlayo dhinacyadda horumarka iyo nabadda ee ku dhisan isku tashiga bulshada.

Taas oo aanay beesha caalamku wax gargaar ah ka gaysan hirgelinteeda, isla markaana ku timid isku tashi ay la timid dawladda Somaliland.

Wargeysku wuxuu soo bandhigay inay Somaliland dunida kale barayso sida nabadda loo dhisto gargaar la’aan.

Waxa kaloo ay sheegtay warbixintu in horumarka iyo nabadda ka hanoqaaday Somaliland ay shaki-gelinayso wax ku oolnimada gargaarka caalamiga ah ee ku saabsan horumarinta nabadda.
Taas oo ah tusaale Somaliland dunida ku barayso in kaalmada horumarineed ee caalamiga ahi aanay ahayn sida loo malaynayo, isla markaana ay kaalin yar uun ku leedahay rajada nabadda iyo horumarka.

Geesta kale cilmi-baadhistaasi waxaa diyaarisay Dr. Sarah Phillips, oo madax ka ah jaamacadda Sydney, ee dalka Australia, isla markaana dawladda dalkaasi u qaabilsan xidhiidhka xidhiidhka caalamiga ah.

Dr. Sarah Phillips, ayaa warbixinteeda ku sheegtay “horumarka nabadeed ee Somaliland waxa uu shaki gelinayaa wax ku oolnimada gargaarka caalamiga ah ee horumarinta nabadda adduunka oo dhan”.

Somaliland waxay tusaale u noqotay nabadda caalamka. Somaliland waxay dunida siinaysaa aqoon korodhsi beesha caalamka lagu bari doono in kaalmada horumarineed ee caalamiga ahi aanay ahayn sida aynu u malaynayno.

Waxaanay tilmaantay Dr. Sarah Phillips, in kaalmadda caalamiga ahi ay aad u yar tahay kaalinta ay ku leedahay rajada nabadda iyo horumarka.

Dr. Phillips, ayaa ku soo qaatay cilmi-baadhistiisan cajiibka ah oo ay ku wehelinayeen dad suugaanyahanno ah iyo aqoonyahanno, si ay u soo saaraan xisaab-celin la xidhiidha  waddada nabadda ee Somaliland.

Cilmibaadhistan oo si cad loogu soo bandhigay dhagaystayaal iyo ardayda barata waxbarashada, waxa kale oo lagu diyaariyay bug.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here