Hargaysa (HP): Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa ayaa ku margaday su’aal laga waydiiyay inuu bulshadda u cadeeyo qadarka lacageed ee ku baxay mashruuca biyo balaadhinta caasimadda.
Waxaanu maareeyuhu ka war-wareegay inuu si toos ah u sheego cadadka lacagta ee ilaa hadda ku baxay ama hore loogu qorsheeyay mashruuca biyo balaadhinta Hargaysa.
Mashruucaasi oo dheer oo dhawr sanadood ah socday ayaan weli si buuxda loo arag midhi dhalkiisa iyo inuu sidii la rabay u fulay mashruucaasi.
Maxamed Cali Daarood, oo ay maanta xafiiskiisa kulan kula yeesheen xildhibaadda guddi hoosaadka ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee golaha Wakiiladda Somaliland ayay weriyeyaashu kulankaasi kadib su’aalo waydiiyeen.
Maareeye Maxamed Cali Daarood, mar la waydiiyay su’aal ahayd inuu sheego qadarka lacageed ee ilaa hadda ku baxay mashruuca biyo balaadhinta Hargaysa ayaa si kulul oo cadho ka muuqato ugu jawaabay weriyihii su’aashaasi waydiiyay.
Waxaanu ku dooday in mashruuca biyo balaadhinta Hargaysa uu dhawr qaybood ka kooban yahay, kaasoo waxna ay dawladda Somaliland maal gelis.
Halka kuwo kalena ay maalgeliyaan dawladaha ay Somaliland saaxiibadda yihiin, oo ay ka mid tahay dawladda Jarmalku.
DAAWO: Qaabkii Uu Maareeye Daarood Uga Jawaabay Su’aashaasi:
https://youtu.be/0IYWDjqpoLo
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.