Warbixino Ku Saabsan Sida Looga Ciiday Deegaanada Soomaalida

0
1168
Madaxweynaha Somaliland iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya
Madaxweynaha Somaliland iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guud ahaan deegaanada Soomaalida, ayaa Khamiista Maanta laga Ciiday isla-markaana laga oogay Salaadda Ciidda Soonfur oo ku beegan 1-da bisha Shuwaal ee sannadka 1442 Hijriga.

Dadweynaha deegaanadaasi, ayaa Subaxdii hore ee Saaka u dareeray Masaajiidda iyo Goobaha kale ee loogu Talo-galay in Dadweynuhu ku gutaan Waajibaadka Diiniga ah.

Dadweynaha oo aad uga Taxadaraya Halista Xanuunka Covid_19, ayaa iyaga oo u wada socda koox koox waxay buux-dhaafiyeen Gobihii Cibaadada oo ay ka socotay Takbiirta Ilaahay lagu waynaynayo, looguna dhawaanayo.

Magaalooyinka Hargeysa, Muqdisho, Jabuuti iyo Jigjiga, ayaa ka mid ah meelaha Dadweynuhu isugu soo baxeen Tukashada Salaadda Ciidda.

Culimada Muslimiinta iyo Madaxdii ka qayb-galay Tukashada salaadda Ciidda, ayaa mid walba wuxuu Hambalyada Ciidda ka sakow uu dardaaran u jeediyey Shacabkiisa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Dowladda Deeganka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si isku mid ah uga hadlay Ahmiyadda Nabadgalyada iyo siday waajibka u tahay in la iska kaashado ilaalinteeda.

Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo Salaaddii Ciida kadib khudbad kooban jeediyay dadweynaha Hargeysa, ayaa ka hadlay taageerada Beesha Calamku siiso Somaliland, isagoona sheegay inaan loo baahnayn taageero ay Dadka reer Somaliland ka sugaan Dad aan Muslim ahayn.

Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Jabuuti oo War-saxaafadeed uu soo saaray Warbaahinta dalkaa laga akhriyay, ayaa si gaar ah uga hadlay dhibaatada Isreal ku hayso shacabka Falastiin.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxmed Cumar oo shacabka magaalada Jigjiga khudbad u jeediyay salaasadii Ciida kadib, ayaa shacabka ugu baaqay midnimo, isagoo xusay inay siyaasiyiintu ayna midoobayn tan iyo intay jirto siyaasaddu.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo shacabka Muqdisho kula tukaday masjidka madaxtooyada Soomaaliya, ayaa ugu baaqay dadweynaha in munaasabada Ciida awgeed bulshadu ka wada shaqeeyaan dhamaantood nabadgalyada iyo deggenaasha Soomaaliya.

Ugu dambayn, Tukashada Salaadda Ciidda ee sannadkan, ayaa tii sanadkii hore kaga duwan in dadweynaha loo ogolaaday inay wada jir u Tukadaan, ka dib markii Ciiddii sannadkii hore Dowladaha Muslimka Badankoodu baajiyeen Salaadda Ciidda, iyagoo ka taxadaraya halista Xanuunka Covid_19.

Hargeisa Press Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here