Duqeymaha Israel oo Weli Ku Socda Qaza iyo Xamas oo Gantaallo Ku Jawaabeysa

0
796
Magaaladda Qaza
Magaaladda Qaza

Qaza (Hargeisa Press) – Ciidamada Israel, ayaa lasoo dhoobay xuduudda Qaza, xilli ay weli duqeyn ku socoto magaalada, halka ururka Xamas ay iyagana gantaallo ku garaacayaan Israel, iyada oo xaaladda ay kasii dareyso.

Duqeymo cusub oo ay maanta ka fuliyeen Qaza, ayaa ciidamada Israel waxay ku garaaceen dhisme ka kooban lix dabaq oo ay sheegeen inay leeyihiin Xamas oo maamusha magaalada.

Ugu yaraan 83 qof, ayaa lagu dilay Qaza tan iyo markii ay billowdeen duqeymaha Israel Isniintii, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadka, iyada oo isbitaallada oo markii horeba la tiicayay bukaanada COVID-19 la geeyay dhaawacyo.

“Waxaan wajaheynaa Israel iyo COVID-19. Waxaan dhexda uga jirnaa laba cadow,” waxaa sidaas yidhi Asad Karam oo ah 20 jir ka shaqeeya dhismooyinka, isaga oo dhinaca taagan waddo ay waxyeeleeyeen duqeymaya Israel.

Dhinaca kale, weeraradii ugu dambeeyey ee gantaallo ee Xamas, ayaa mid ka mid ah wuxuu ku dhacay dhisme ganacsi oo ku yaalla caasimadda Tel Aviv, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen shan Israa’iiliyiin ah, sida ay sheegeen booliska.

Toddoba qof, ayaa ku geeriyootay Israel tan iyo markii ay billowdeen gantaallada Xamas, sida ay sheegeen militariga Israel.

“Israel oo dhan waxaa ku socda weerar. Waxaa xaalad aad cabsi u leh in lagu sugnaado,” waxaa sidaas yidhi Margo Aronovic oo ah 26 jir arday ah oo ku sugan Tel Aviv.

Israel, ayaa ciidamo dagaal ku diyaarisay xuduudda Qaza, waxayna ku sugan tahay “marxalado kala duwan oo ay isugu diyaarineyso howlgal dhulka ah,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga.

REUTERS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here