WARBIXIN: Maxaad Ka Og-Tahay Madaxda Afrika Kuwooda Ugu Hantida Ama Dhaqaalaha Badan?

0
1300

Hargeysa, (HargeisaPress) — Qaaradda Afrika oo ah Qaaradda labaad ee ugu weyn caalamka, isla markaana ah tan labaad ee ugu dadka badan caalamka oo dhan, ayaa waxay ka kooban 54-dal oo ay hoggaamiyaan madax qaarkood ka mid ah ay soo hoggaaminayeen dalalkooda muddo Rubuc Qarni ka badan.

 

Madaxda qaarkood iyo qoysaskooda ayaa ah kuwo aad qani u ah oo haysta dhaqaale ay ka sameeyeen khayraadka waddamadooda dhex-ceegaaga; balse shacabkooda ay yihiin kuwo faqiir ah, waxayna hoggaamiyeyaashaani leeyihiin shirkado kala duwan oo ay ugu magac-dareen xubno qoysaskooda ka mid ah.

 

Haddaba, warbixin ay soo daabacday shabakad lagu magacaabo Africa-cradle ayaa looga hadlay 10-hoggaamiye oo isugu jira madaxweynayaal iyo boqorro ka taliya qaar ka mid ah waddamada Afrika iyo kuwo xukunka horay u soo qabtay, kuwaasoo la sheegay inay yihiin kuwa ugu qanisan madaxda Qaaradda Afrika.

Madaxda_AfriKa_Qaarkood_Hantidooda_660

KAALINTA KOOWAAD: Jose Eduardo dos Santos oo ah madaxweynaha Angola oo la sheegay inuu haysto hati gaaraysa $20 Billion, wuxuuna dalkiisa soo xumayay muddo 36-sano, kaddib markii xukunka la wareegay 1979-kii.

 

Warbixinta ayaa lagu xusay in 70% shacabka dalka Angola ay ku nool yihiin wax ka yar laba doollar maalintii. Sidoo kalena gabadhiisa oo lagu magacaabo Isabel dos Santos ayaa ka mid ah dadka ugu dhaqaalaha badan Qaaradda iyadoo lagu sheegay dhaqaalaha ay haysato $3.8 billion. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in loo aqoonsaday inay hadda tahay haweeneyda ugu taajirsan Qaaradda Afrika, isla markaana ay tahay haweeneyda Madowga ah ee caalamka ugu Hodansan.

 

KAALINTA LABAAD: Mohammed VI oo ah boqorka waddanka Morocco iyadoo lagu sheegay hantida uu haysto inay gaarayso $2.5 Billion, isagoo xukunka dalkiisa haya 15-sano, waana hoggaamiyaha ganacsatada waddankiisa.

 

Boqorka waddanka Morocco ayaa xukunka la wareegay sannadkii 1999-kii, markaasoo uu dhintay abbihii oo dalkaas boqor ka ahaa. Wuxuuna markiiba dib u habeyn ku sameeyay xaaladaha bani’aadamnimo ee dalkaas oo buuq uu ka jiray, isagoo la dagalamay faqriga.

 

KAALINTA SADDEXAAD: Teodoro Obiang Nguema Mbasogo oo ah madaxweynaha dalka Equatorial Guinea oo uu xukumayay 36-sano, isagoo la wareegay xukunka 1979-kii, kaddib markii uu afgambi ku sameeyay adeerkiis Francisco Macias Nguema; iyadoo lagu sheegaa hantida uu haysto $600 Million.

 

Wuxuu dadaal u galay inuu soo saaro shidaalka dalkiisa, howshan oo sannadkii 1990-kii uu billaabay. Madaxweyne Mbasogo & qoyskiisa lagu eedeeyo inay la wareegeen dhaqaalaha dalkiisa. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2011-kii ayay $70 million oo doollar oo uu lahaa wiilkiisa gacanta ku dhigtay. Inkastoo Equatorial Guinea ay tahay waddanka labaad ee ugu qanisan Afrika, haddana shacabkiisu waxay ku nool yihiin meel ka hoosaysa heerka saboolnimada Afrika.

 

KAALINTA AFARAAD: Uhuru Kenyatta oo madaxweynaha Kenya oo horrantii 2013-kii loo doortay hoggaaminta waddankiisa ayaa haddana hantida uu xilligan haysto waxaa lagu sheegay inay tahay $500 Million.

 

Madaxweynaha Kenya oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay ee ka taliya dalka Kenya, Jomo Kenyatta, ayaa la sheegay in isaga qoyskiisa ay xilligan leeyihiin shirkado kala duwan, dhul baaxad weyn iyo bangiyo. Wuxuu isku arkaa inuu yahay ruux bulshaawi ah.

 

Xafladdii caleemo-saarkiisii xilka madaxweynaha ayuu sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii Kenya uu uga sameyn lahaa isbedel dhaqaale oo baaxad leh, inuu u sameyn doono isbitaallo hooyada iyo dhallaanka lagu daweeyo iyo inuu ka shaqeyn doono midnimada shacabka Kenya.

 

KAALINTA SHANAAD: Paul Biya oo ah madaxweynaha dalka Cameroon, kaas oo xilka dalkiisa hayay muddo 33-sano ah; isagoo xukunka dalkiisa la wareegay November, 1982-kii. Waxaana dhaqaalaha uu haysto lagu sheegay inuu dhan yahay $200 million. Inkastoo uu hantidaas haysto, haddana waxaa jirta in 48% shacabka dalkiisa Cameroon ay ku nool yihiin meel ka hooseysta xariiqa saboolnimada.

 

Wargeys kasoo baxa Faransiiska ayaa soo daabacay sannadkii 2009-kii in madaxweyne Paul Biya uu yahay madaxweynaha ugu kharashka bixinta badan madaxda caalamka oo dhan xilliyada fasaxyada; iyadoo ay ku baxdo dhaqaale aad uga badan tan ku baxda madaxweynayaasha dalka Mareykanka. Waxayna jariidaddu warbixinteeda ku xustay in dhaqaalaha ku baxa uu gaarayo $40,000 maalintiiba.

 

KAALINTA LIXAAD: King Mswati III oo 15-kii sano ee u dambeysay boqor ka ahaa dalka Swaziland ayaa ka mid ah boqortooyooyinka dunida ugu taarjisan. Waxaana hantida uu haysto la sheegay inay gaarayso $100 million.

 

Sdioo kale, boqorka ayaa lagu xantaa inuu qabo 13-haween ah, kuwaasoo uu ugu sameeyo shoobin sannad walba lacag dhan $6 million. Dhanka kalena waxaa la sheegay in sannadkii ay ku baxdo biilasha guryihiisa lacag dhan $61 million.

 

Dadweynaha Swazis-ka ayaa 63% waxaa la sheegayaa inay ku nool yhiin wax ka yar $1.5 maalintii. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa la sheegay in gaariga raaxda ah ee uu bororkan ku socdo uu ku fadhiyo lacag dhan $500,000.

 

KAALINTA TODDOBAAD: Goodluck Jonathan oo aha amadaxweynihii hore ee Nigeria ayaa la sheegay inuu isaguna haysto lacag dhan $100 Million. Wuxuuna la sheegay inuu dhaqaalahaas tabcaday intii uu xukunka hayay, iyadoo Nigeria lagu tilmaamo dalalka ugu musuqmaasuqa badan Afrika.

 

Jonathan ayaa la sheegay dadaal badan u soo galay sidii uu dalkaas horumar u gaarsiin lahaa shacabka Nigeria, balse waxaa uu ku guul-darreystay doorashadii madaxnimo ee horraantii sannadkan ka dhacday dalkaas, iyadoo uu xilka kaga guuleystay Mohammedu Buhari.

 

KAALINTA SIDEEDAAD: Robert Mugabe oo ah madaxweynaha Zimbabwe ayaa la sheegay inuu haysto dhaqaale gaaraya $100 Million, isagoo xukunka dalkiisa hayaa 35-sano.

 

Mogabe ayaa la sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay yihiin kuwa ugu qanisan Zimbabwe oo dhan, waxaana uu dhowr jeer ku guuleystay xilka madaxweynenimo ee dalkiisa, iyadoo lagu tilmaamo kaligii-taliye aan ogoleyn inuu xukunka wareejiyo, cimrigiisuna wuxuu haatan marayaa 91-sano.

 

KAALINTA SAGAALAAD: Jacob Zuma oo madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa hantida uu haysto waxaa lagu sheegay $75 million. Wuxuuna magaalada Pretoria oo xarun u ah dalkaas uu ku leeyahay baar lagu magacaabo “Fat Zuma Burger”, sidoo kalena wuxuu leeyahay koox kubadda cagta ciyaarta oo la yiraahdo “Nkandla Angels”) iyo ganacsi kale oo fara badan.

 

Qoyskiisa ayaa la sheegay inay haystaan hanti badan, iyadoo la sheegaa inay jiraan shacab fara badan oo Koonfur Afrikaan ah aysan haysan lacag ay ku noolaadaan. Waxaana Zuma dhawaan ay shacabka dalkaas ka dalbadeen inuu xilka baneeyo maadaama uu ku guuleysan waayay inuu qalalaase ku yimid dhaqaalaha dalkaas uu wax-ka-qabto.

 

KAALINTA TOBANAAD: Idriss Deby oo ah madaxweynaha Chad ayaa isna la sheegay inuu haysto lacag dhan $50 Million, wuxuuna xukunka dalkaas hayaa muddo 25-xano ah, isagoo xukunka qabtay sannadkii 1990-kii.

 

Shacabka dalka Chad ayaa la sheegay inay ku nool yihiin nolol aad u liidata, isla markaana uu madaxweynuhu urursaday dhaqaalihi dalkaas intooda badan, taas oo uu qaarkeed ku sameysay shirkado waaweyn.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here