SOMALILAND MAXAA BARARAY? Mohamed Hagi

0
1062
Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud

Noocyada Sicir Barar aad bay u farabadan yihiin, waa na ay kala duwan yihiin. Waxa aan u kuur-galey Somaliland si aan wax uga oggaado waxa bararay.

 

Sicirka oo bararaa waxa uu ku yimaadaa 3 nooc inta badan:-

 

GDP Deflator: noocani waa ka ugu xoogga weyn waxa na uu saameyn balaadhan ku yeeshaa nolosha dadka oo dhan. Tusaale ahaan is badelka qiimaha wax wal oo la la soo dageyo, mushaharaadka iyo kharashaadka dawladda, maalgashiga iyo ascaarta suuqa taala intaba.

 

Consumer Price Index (CPI): noocani waa uu ka duwan yahay kan weyn ee kor aan ku sheegney. Waxa uu shaqo badan ku leeyahay baahida iibsiga oo korodha ama yaraata, taas oo qiimaha ascaarta iyo adeega wax ka badesha. Tusaale ahaan Sixirka meceeshada, qalabka dhismaha, maryaha amabase bas raaca, qiimaha isgaadhsiinta, diyaaradaha iyo adeega guud ahaanba. Bishii waxa laga yaabaa in CPI wax iska badalaan.

 

Personal Consumption Expenditure Chain Price Index (PCE): noocani waa uu ka duwan yahay kuwa hore, waxa na uu saameeyaa meecashada iyo alaabta kale ee dadku suuqa ka iibsadaan. Tusaale ahaan ascaarta suuqa taal oo kor ugu kacda baahidii qofka oo badatey awgeed.
Mar haddii uu bararku sidaa yahay, nooca barar ee Somaliland haystaa muxuu yahay? Jawaabtu waa dhinaca sarrifka lacagta oo aad isku badelay, Dabadeed na dhamaan wax ka badelay noloshii dhaqaale ee dadka. Cajiib, halkaa waxa inooga soo baxaya in dhaqaalaha Somaliland aanu ahayn mid iskii u taagan.

 

Sababtuna waa dalka oo aan wax soosaar iyo adeeg joogta ah lahayn iyo Baanka Dhexe oo dhaqaalihiisa ku fadhiisiyey lacag qalaad. Tusaale ahaan cashuur bixinta oo 80% ku timaada lacag qalaad iyo dawladda oo kharashaadkeeda ku bixisay Somaliland badan.

 

Markaa halkaa waxa ka cad in Shilling kii Somaliland iyo Dollar kii Maraykanku is eryanayaan!! Waana shillinkii oo gaadhi la dollarkii. Dhanka kale dollarka qiimihiisii kor buu adduunka oo dhan uga kacay, Sababtuna waa shidaalkii OPEC oo hoos u dhac weyni ku yimi. Laakiin sidaas oo ay tahay sarrif bararka Somaliland waa mid siyaado ah.

 

Waxa na masuuliyadiisa ku kaliyeystey dawladda oo ay masuul uga yihiin Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe. Farsamo xumada dawladdu waxa ay gayeysiineysaa ummadda baahan khasaare balaadhan waxa na ay qiimo dhac ku keenaysaa laf dhabar tii dhaqaale ee danyarta oo ah Shillinka Somaliland.

 

Dhaqaale burburkan in la xallilo aad buu u dhib yar yahay. Waxa na si dhib yar u xallili kara dawladda oo wax ka badesha qorshaha cashuuraadka ee urruursiga dollarka, isla markaana isku miisaanta xaddiga labada lacagyow (shilling vs dollar) ee baratonka suuqa.

 

Mohamed Hagi

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

 

LEAVE A REPLY