Wararkii Ugu Dambeeyay Natiijada Doorashada, Degmooyinka Lagu Dhawaaqay iyo Magacyada Xildhibaannada

0
2255

Hargeisa (Hargeisa Press) – Waxaa hadba marba marka ka danbeysa soo baxaya natiijooyinka doorashada goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland oo ay xisbiyadu si weyn isugu garbinayaan ku guuleysiga kuraasta doorashada, waxaana illaa iyo haatan isa soo taraya goobaha ay natiijadu ka soo baxayso.

Sidoo kalena, Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shalay iyo Maanta shaaciyay Natiijada hor-dhaca ah ee doorashadii Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee dalka ka dhacday 31-kii bishii hore ee May.

Komiishanka, ayaa shaaciyey Magacyada Xildhibaannada ka soo baxay illaa 10 Degmo doorasho iyo siday u kala heleen Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE ama u kala badsadeen.

Degmooyinka uu Komiishanku shaaciyey waxay kala yihiin Sallaxlay, Lughaya, Xudun, Taleex, Saylac, Gar-adag iyo Laascaanood, kuwaasi oo Xisbiyada mid walba uu ka helay tiro Xildhibaano ah.

Tusaale ahaan, Degmada Sallaxlay xisbiga Kulmiye ayaa hoggaaminaya oo ka helay 4 xildhibaan, UCID ayaa ku xiga oo ka helay 3 xildhibaan halka Waddani uu ka helay 2 xildhibaan.

Degmada Lughaya xisbiga Kulmiye ayaa ka helay 5 xildhibaan, Waddani iyo UCID ayaa iyaguna ka helay min 2 xildhibaan.

Degmada Xudun xisbiga Kulmiye ayaa hoggaaminaya oo ka helay 7 xildhibaan, Waddani ayaa ka helay 2 xildhibaan, halka UCID aanu waxba ka helin.

Degmada Saylac, xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa xildhibaano isku mid ah oo 4 iyo 4 ah ka helay halka UCID uu 3 xildhibaan ka helay.

Degmada Gar’adag xisbiga Kulmiye ayaa hoggaaminaya oo ka helay 4 xildhibaan, Waddani ayaa isna ka helay 3 xildhibaan, halka UCID uu ka helay 2 xildhibaan.

Degmada Taleex, ayaa xisbiga Kulmiye ka helay 6 Xildhibaan, Xisbiga WADDANI wuxuu ka helay  Xildhibaan, halka aanu UCID waxba ka helin.

Waxa kale oo uu komiishanku ku dhawaaqay Natiijadii ka soo baxday doorashadii Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Laascaanood, Oodweyne, Baligubadle iyo deegaano oo kale oo dhowr ah.

Sidaasi darteed, waxaanu halkan idiinu soo gudbinaynaa Magacyada Xildhibaannada ka soo baxay Saddexda Degmo doorasho ee kala ah Sallaxley, Saylac Iyo Laascaanood, kuwaasi oo Wargeyska u suurto-gashay inuu helo.

Saylac

UCID

Mahamud Cigaal Wacays Rukeec ( 616)

Xasen Nuur Cali Budeen ( 545)

Yuusuf Cawaale Daahir Rooble (437)

 KULMIYE

Idiris Faarax Buux Samatar (791)

Faysal Xaashi Rayaale Suldaan (566.)

Sacad Daahir Cige Riirash (563)

Dahiir Barkhad Cali Aden (512 )

WADDANI

Xussen Muuse Dixood Malaw (661)

Cumar Daahir Axmed Xasen (563)

Siciid Dicin Ibraahim Ciye (554)

Farxaan Axmed Cumar Ciye (491)

Sallaxley

Xildhibaanada ka soo baxay Degmada Sallaxley.

UCID.

Maxamed Cabdi Haariye (1090)

Iid Aadan Cabdi (783)

Cabdillaahi Maxamed Hayl  (543)

Kulmiye

Axmed Buraale Iiman (918)

Maxamuud Beddel  (830)

Guuleed Cismaan ( 577)

Axmed Maxamuud Kaariye ( 421)

Waddani

Xasan Dheeg Good ( 520)

Jamaal Xuseen Daahir (481)

Laascaanood

Cabdiweli Daahir Maxamed Cali – UCID (1264)

Khadar Cabdi Dubad – Kulmiye (1822)

Cabdirixiin Cali Ismaaciil Faarax – WADDANI (1923)

Axmed Maxamed Cumar Diiriye – UCID (1,153)

Jaamac Cabdiraxmaan Caraale – Kulmiye (1,748)

Faysal Nadiif Saleebaan Cismaan – WADDANI (1,319)

Tawakal Maxamed Geelle – UCID (696)

Sakariye Ibraahim Jaamac –  Kulmiye – (1,582)

Cabdiqaadir Maxamed Cabdi – KULMIYE (1,095)

Cabdirisaaq Xasan Cabdi – Kulmiye ( 1,388)

Cabdillaahi Cabdirisaaq Aadan – WADDANI (1,086)

Abubakar Axmed Dhalac – Kulmiye (961)

Cabdirisaaq Axmed Cilmi Cali – WADDANI (983)

Sidoo kale, waxa Maanta lagu dhawaaqay sida Xisbiyada UCID, WADDANI iyo KULMIYE u kala heleen doorashadii Golaha Wakiillada ee Gobolka Sool.

XISBIGA UCID Waxa u soo baxay

Maaxamuud Xayir Ducaale Diiriye

Abokor Faarax Warsame

Axmed Jaamac Saalax Maxamed

XISBIGA KULMIYE waxa u soo baxay.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiin “Faratoon”

Mukhtaar Ibraahim Xaashi Cilmi

Saleebaan Maxamed Faarax

Mustafe Axmed Cabdullaahi

Axmed Xasan Cali “Casoowe”

Xisbiga Wadani waxa u soo baxay.

Cabdirasaaq Khaliif Axmed Guuleed

Axmed Muuse Jaamac Diiriye

Bile Cabdi Ducaale Samatar

Qaasim Aadan Saleebaan Cali

Guddiga doorashada Somaliland, ayaa soo gudbinaya si isdaba joog ah natiijada doorashadii dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here