Hay’adda ARC Oo Daawooyin Ku Wareejisay Xafiiska Wasaaradda Caafimaadka Ee Laascaanood

0
641

Laascaanood (HP): Hay’adda ARC ayaa maanta daawooyin iyo qalab caafimaad oo lagaga gaashaamanayo xanuunka Covid-19 ku wareejisay xafiiska wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool.

Waxaana qalabkaasi iyo daawooyinkaasi hay’adda kala wareegay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool iyo xubno kale oo wasaaradda caafimaadka ka socday.

Qalabkan caafimaad iyo daawooyinkan ay hay’adda ARC ku wareejisay wasaaradda caafimaadka ayaa ka danbeeyay balan qaad ay hore hay’adaasi u samaysay shirkii ay dhawaan la yeesheen masuuliyiinta gobolka Sool.

Kaasoo loogu tallo galay  inuu qayb ka noqdo qorsheyaasha lagaga hor tegayo caabuqa Corona Virus. Sida uu sheegay masuul u hadlay hay’adda ARC.

Geesta kale masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool ayaa uga mahad celiyay hay’adda ARC qalabka caafimaad iyo daawooyinka ay soo gaadhsiiyeen.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here