Xukuumadda Laga Hayaamay Ee Siilaanyo Oo Cudud Ciidan Doonaysa Inay Ku Dhaxal Wareejiso Buurta Gacan-libaax Maalinta Beri Ah Iyo Tigniko Badan Oo La Geeyey Buurta

0
815
Hargeysa, (HargeisaPress) — Wararka ka imanaya Degmada Go’daweyn iyo Buurta-Gacan-libaax , ayaa sheegay inay xukuumadda laga hayaamay ee Siilaanyo geysay ciidamo aad u tirobadan, kuwaas oo la sheegay inay qayb-ka yihiin awooda ay xukuumadda laga haajiray ee siilaanyo ku dhaxal wareejinayso buurta Gacan-libaax,taas oo ay doonayso inay gacanta u geliso nin ka tirsan saraakiisha qasriga imaaraadka Carabta oo aan ilaa hadda la garanayn damaciisa buurta Gacan-libaax wuxuu daaranyahay.
Mashruucan dhaxal wareejinta buurta Gacan-libaax oo ay horay u diideen shacabka ku dhaqan degaanka, ayaa hadda waxay xukuumadda siilaanyo go’aan ku gaadhay inay cudud ciidan u isticmaasho ciidii ka hor timaada, waxaanay saaka geysay ciidamo aad u tiro badan oo wata gaadiidka kala duwan ee dagaalka , kuwaas oo ilaa hadda ku sugan buurta gacan-libaax una sii gogol xaadhaya wafti maalinta beri ah, uu Hargeysa ka hogaamin-doono wiilka siilaanyo sodaga u yahay ee Beeshe Morgan oo ay wehliyaan  Gacanyarihii Carabkii lagu wareejin lahaa buurta gacan-libaax  iyo kooxo igineero ah.
Dhanka kale waxay habaanka caawa ah Hotelka Kaamil oo kuyaala bariga magaalada, Hargeysa ay xukuumadda laga haajiray ee Siilaanyo ku shirinaysaa xubno dhuuni raaca oo ka soo jeeda degaanka, kuwaas oo daba malaf-saday xukuumadda caleenteedii cadaatay ee Siilaanyo, waxanay kooxdan u igmatay Madaxtooyadu sidii ay dadka degaanka uga dhaadhicin lahayeen rabiteenkeeda una soo xero gelin lahayeen xubnaha ka soo hor-jeeda mashruuca dhaxal wareejinta Buurta Gacan-libaax
Isku soo wada duubo Xukuumadda siilaanyo ee laga dareeray ayaa hadda dhexda u xidhatay  sidii ay u dhaxal wareejin lahayd Buurta loo dalxiiska tago ee Gacan-libaax, iyadoo amuurtani ay ku soo beegmaysa xili 14 masuul ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Siilaanyo.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here