Human Right Watch Oo Somaliland ku eedeysay inay si xun ula dhaqanto Bukaannada qaba xanuunad dhimirka

0
961

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Right Watch ayaa eedeyn u jeediyay Xukuumadda Somaliland, iyadoo ku eedeysay inay si aan wanaagsanayn ula dhaqanto dadka qaba xanuunnada dhimirka, kuwaasoo ay ka mid yihiin inay si khasab ah lagu geeyo goobo lagu xannaaneeyo, halkaasoo ay tacaddiyo ku mutaan.

 

Warbixin ka kooban 81-bog looguna magac-daray -Chained Like Prisoners- ayay Human Right Watch ku sheegtay in dadka la il-daran xanuunnada madaxa ku dhaca la xir-xiro iyo la garaaco, waxaa kaloo la sheegay inay safaf dhaa-dheer u galaan daawada ay ka helaan goobaha caafimaad ee xukuumadda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

 

Goobaha caafimaadka ee gaarka ah, dadka qaba xanuunnada dhimirka waxaa lagu xir-xiraa silsilado, waxaa kaloo aad loo xakameeyaa dhaq-dhaqaaqooda iyo meelaha ay aadayaan.

Hay’adda Qarammada Midoobay u qaablisan caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in Somaliland ay aad ugu badan yihiin dadka qaba xanuunnada dhimirka ku dhaca.

 

“Dadka qaba xanuunnada dhimirka ayaa intii la siin lahaa daryeel caafimaad, waxaa lagu dhibaa lagu xannaaneeyo, iyadoo loo xiro sidii maxbuus oo kale ama la takooro,” ayay tidhi Laetitia Bader oo hay’adda Human Right Watch u qaabilsan Afrika, iyadoo intaas ku dartay in Somaliland ay wax ka qabato goobaha caafimaad ee dadka  qaba xanuunnada dhimirka lagu xannaaneeyo.

 

Sidoo kale, hay’addu waxay Somaliland ugu baaqday in dadka dhimirka ka jiran la siiyo daryeel wanaagsan, maamulayaasha Somaliland ugu baaqday inay la socdaan oo isha ku hayaan meelaha dadkaas lagu daryeelo, lana mamnuuco in silsilado lagu xidho.

 

Waxay Human Right Watch sheegtay inay baadhitaan ku sameeyeen magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Gabiley, iyadoo wareysatay in ka badan 115-qof oo ay ku jiraan 47-bukaan oo ka tirsan dadkii dhibkaas uu ku dhacay.

 

Haya’adda waxay ogaatay sidoo kale in goobaha caafimaadka dadka xanuunka dhimirka qaba ay gacanta ku hayaan rag, taasoo haweenka ay dhibaato gaar ah kasoo gaadho.

 

Sannadihii hore, inta badan daaweynta dadka qaba xanuunnada dhimirka waxaa dusha saaran jiray qaraabadooda, kuwaasoo macluumaad dheeraad ah aan ka heysan jirradan.

 

Ugu dambeyn, Xukuumadda Somaliland ayaa sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-kii waxay meel-mariyeen qorshe lagu qaabeynayo xeerarka dastuuriga ah oo la jaan-qaadaya heshiisyada caalamiga ee xuquuqda ay leeyhiyiin dadka qaba xanuunnada dhimirka ku dhaca.

 

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin eedeynta kaga timid hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch taasoo la xidhiidha dhibaateysan dadka qaba xanuunnada dhimirka.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here