WADDANI: Shirka Golaha Dhexe Oo Maanta Ka Furmaya Hargeysa, Musharraxnimada Madiga Ah Ee CIRRO Iyo Loolanka Muumin Seed & Maxamed

0
1055

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Arbacada Maanta ka furmaya Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

 

Shirka Golaha dhexe ee WADDANI oo u muddeysan 19-ka bishan October, 2016-ka, ayaa waxa lagu dooranayaa Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbigaas uga qayb-galaya tartanka doorashada Madaxtooyada oo Somaliland ka dhaceysa horraanta Sannadka Dambe ee 2017-ka.

 

Ilaa hadda Musharrixiinta u tartamaya Jagada Madaxweynaha waxa la og-yahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) sida uu Toddobaadkii hore sheegay Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde.

 

Waxa kale oo lagu kala dooranayaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed iyo Dr. Maxamed Cali Cabdi oo ku tartamaya Jagada Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbigaasi, labadaa Xubnood oo iskugu soo hadhay Tartanka Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka, ka dib markii Xubno kale oo u sharraxnaa Jagadaasi ay siyaabo kala duwan ugu kala tanaasuleen Axmed Muumin Seed iyo Dr. Maxamed Cali Cabdi oo isku soo hadhay.

 

Inkasta oo Shirkan qabsoomiddiisa loo diyaar-garoobay, haddana waxa Toddobaadkii hore diiday inay ka qayb-galaan Xubno la baxay “Garabka Toosinta WADDANI” kuwaasi oo Hoggaanka Xisbiga ku eedeeyay inay si aan sharci ahayn xilal ugu Magacaabeen Siyaasiyiin dhawaan ku biiray isla-markaana aan wax Talo ah laga waydiinin.

 

Xubnaha diiday inay ka qayb-galaan Shirka la filayo inuu Maanta ka qabsoomo Hargeysa, ayaa waxa ka mid ah Cali Kubad oo ka mid ahaa Komiishankii qabtay Doorashadii Somaliland ka dhacday Sannadkii 2010-kii, taasi oo lagu soo doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka xilligan Xilka haya.

 

Ilaa hadda si muuqata looma oga Tirada rasmiga ah ee Xubnaha Golaha dhexe ee kala dooranaya Musharraxiinta Madaxweyne ku-xigeenka, maaddaama aanay jirin Cid muuqata oo Musharraxnimada Madaxweynaha Xisbiga kula tartamaysa Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), sida ay Toddobaadkii hore sheegeen Guddidii kala reenidda Musharrixiinta Xisbiga.

 

Shirkan oo loolankii adkaa ee ka dhici lahaa dibadda lagu soo dhameeyay, isla-markaana Musharrixiinta Madaxweyne ku-xigeenka u tartamaya lagu qanciyey in kii laga guuleystaa ku qanco, ayaa waxa uu Maalinta koowaad oo Arbacada Maanta ah ka furmayaa Huteelka Maansoor, halka Maalinta labaad ee la soo xidhayana uu ku qabsoomi doono Huteelka Ambassador ee isla Magaalada Hargeysa.

 

Himilo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here