Biyo La’aaanta Gobolka Gabiley Waa Mid Ku Timi Maamul Xumo

0
1146
Gobolka Gabiley

Aniga oo ah Suldaan Axmed Cabdi Askar, ahna mulkiilaha beerta uu ka qodan yahay mid ka mid afarta ceel ee ay isticmaasho magaaladda Gabiley, ayaa waxaan halkan ka jawaab-celinaya Maareeyaha shirkadda biyaha ee Zamzam oo sheegay in horumar ballaadhan shirkadu ku samaysay adeega iyo qalabka biyaha.

 

Waxaan halkan ka caddaynayaa in warbixinta maareeyaha shirkadda biyaha ee Zamzam uu yahay mid ka fog xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta biyo la’aanta baahsan ee soo foodsaartay magaaladda Gabiley, inkastoo Maareeyuhu sheegay inay keeneen mishiino cusub iyo dayac tir ay ku sameeyeen afarta mishiin ee soo saaraha biyaha ay cabbaan magaaladda Gabiley iyo nawaaxigeeda, sidoo kale Maareeyaha ayaa xusay inay kordhiyeen lacagta la siiyo hawlwadeenada gacanta ku haya biyaha, balse warbixinyaas ayaa ah mid ka fog xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta degaanka, taas oo aan ku xaqiijinayo in deegaanka afarta ceel ku yaalaan aanay helin biyo ay cabaan ama xoolahooda ku waraabsadaan, iyagoo aan loo ogolayn inay samaystaan taangiyo ay biyaha ku kaydsadaan si ay baahiyahooda ugu gutaan, isla markaana kaliya biyaha hela wakhtiga yar ee uu shidan yahay mishiinka biyaha soo tuuraya.

 

Sidoo kale, ma jiraan wax lacag ah oo loo kordhiyey shaqaalaha gacanta ku haya biyaha, aniga oo xogogaql u ah cadaynteediina haya haddii loo baahdo, waxa kale oo sal iyo raadtoona lahayn in Shirkaddu keentay mishiino, balse gebi ahaanba arrintaas ayaa ah mid xaqiiqda ka fog, iyada oo aan odhan karo haddii mishiin xummaado in aan la hayn mid kale oo la sii isticmaalo, waxanan ku xaqiijinayaa in muddo saddex maalmood ah uu fadhiyo mid ka mid ah afarta mishiin ee kala yaal afarta ceel, iyada kaliya uu u cadilan yahay in dayac-tir lagu sameeyo.

 

Dhinaca kale, dadweynaha ku nool magaalada Gabiley ayaa dhibaato adag kala kulma dhinaca biyo-gelinta, taasoo macmiilka lagu kalifo inuu masaafo dheer ka soo jiito qasabada biyo-mareenka iyo in uu bixiyo dhammaan agabka iyo qalabka gelaya hawshaas, balse aan awood u lahayn lahaanshaha qasabada uu masaafada ka soo jiitay, taasoo Shirkadu cida ay doonto uga tallaasha, isla markaana jeebka ku shubata lacagta ay ka qaadaan macmiilka cusub, iyaga oo xisaabinaya qalab ku baxay masaafada biyaha looga soo qaaday.

 

Ugu dambayn, waxaan soo jeedinayaa in cida iska leh mas’uuliyadda ilaaalinta habsami-u-socodka adeega biyaha magaaladda Gabilay ay soo xaqiijiyaan xaaladda biyaha ee deeganadaas ka jirta.                Shirkadda Zamzam oo muddo toddoba sanno gacanta ku haysay adeega qaybinta biyaha ee Gobolka Gabiley, ayaa ku guuldarreysatay inay soo gudbiyaan nidaam xisaabeed sax ah oo sharaxaad ka bixinaya sida ay u isticmaaleen lacagihii ka soo galay adeega biyaha iyo iyaga oo gebi ahaanba aan si fiican u qorsheyn dhinaca qalabka loo adeegsado soo saarista biyaha, taasoo aan la hayn wax lacag ah oo loo qoondeeyey in haddii mishiin xummaado la helo badelkiisii, maadaama biyuhu yihiin shayga ugu mihiimsan nolosha banii’aadamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here