Waddamada Itoobiya & Djibouti Oo kala saxiixday hehsiis lagu dhisayo dhuumo Shidaalka Qaada

0
856

Addis Ababa (HargeisaPress) — Waddamada Itoobiya iyo Djibouti oo daris ah ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya dhaqaale gaadhaya 1.55 bilyan oo doollar, kaasoo lagu dhisayo dhuumaha shidaalka qaada, kuwaasoo ay dhisayso shirkad lagu magacaabo Black Rhino Group.

 

Saxiixa heshiiskan oo dhacay maalmo ka hor ayaa lagu dhisayaa dhuumo ay dhererkoodu dhan yihiin 55-km, waxayna dhuumahan tagayaan dekedda dalka Djibouti, halkaasoo laga dhoofinayo shidaalka la marsiinayo.

 

Dhismaha dhuumahan ayaa la qorsheynayaa in la dhameystiro sanadka 2018-ka. Waxayna tallaabadani imaanaysaa xilli dowladda Itoobiya ay shaacisay inay sannadaha soo socda ay billaabayso dhoofinta gaaska dabiiciga ah.

 

“Waxay dhuumahani kordhin doonaan amniga shidaalka, waxay kaloo sare u qaadayaan horumarka dhaqaalaha, iyagoo ka hortagaya waxyeellada dadka ku nool deegaannada ay marayaan,” ayuu war-saxaafadeed uu soo saaray ku yidhi maareeyaha Afrika ee shirkadda Black Rhino, Brian Herlihy.

Addis Ababa-Djibouti railway will be completed in a few days: Its architects see it is a step towards a trans-continental line reaching all the way to West Africa. (Photo/AFP).
Addis Ababa-Djibouti railway will be completed in a few days: Its architects see it is a step towards a trans-continental line reaching all the way to West Africa. (Photo/AFP).

Mashruucan oo loogu magac-daray Geeska Afrika Pipeline ayaa waxaa dhismahooda ka mid ah, kayd shidaal oo laga dhisayo Dameera-joog oo ku taalla dalka Djibouti, taasoo lagu kaydin doono shidaal dhan 950,000 oo barmiil oo shidaal ah iyo sidoo kale kayd kale oo laga dhisayo Awash, Itoobiya.

 

Sidoo kale, dhuumahan ayaa 240,000 barmiil oo shidaal ah ay mari doonaan maalin walba, iyadoo loogu talo-galay dhuumahan inay 30-sano shaqeeyaan. iyadoo habkan lagu sheegay midka ugu weyn Geeska Afrika.

 

Wadamada Djibouti iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeeya heshiisyo fara badan oo xidhiidhka labada waddan ee ganacsiga iyo isku socodka dadka lagu xoojinayo, iyagoo qorsheynaya inay dhawaan dhisaan khad tareen oo isku xidhaya caasimadaha labada waddan ee Addis Ababa iyo Djibouti.

 

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa goob-joog ka ahaa xaflad lagu saxiixayay heshiis ay labada waddan ku dhisanayaan khad tareen oo dhirirkiisu yahay 752-KM kaasoo dowladda Shiinaha ay bixinayso lacagta lagu dhisayo, isla markaana ay iyadu dhisi doonto.

THE MEN IN NAVY BLUE: Ethiopian Prime Minister, Hailemariam Desalegn with Djibouti President, Ismaïl Omar Guelleh. If they had their way they would own oil the railway and oil pipelines from East Africa to the Gulf of Guinea. (Photo/AFP).
THE MEN IN NAVY BLUE: Ethiopian Prime Minister, Hailemariam Desalegn with Djibouti President, Ismaïl Omar Guelleh. If they had their way they would own oil the railway and oil pipelines from East Africa to the Gulf of Guinea. (Photo/AFP).

Dhanka kale, Maareeyaha guud ee dekedda Djibouti, Abuubakar Haaddi oo isagana hadal ka yidhi dhismaha tareenno isku xidhaya Djibouti iyo Itoobiya ayaa sheegay inay qorsheyanayaan in tareennada la dhisayo ay isku xidhaan labada dal, ayna u gudbi doonaan inay gaadhsiiyaan dalka Koonfurta Suudaan illaa dalalka Galbeedka Afrika sida Gacanka Gini.

 

“Waxaanu durba noqonnay illinka Itoobiya. Waxaan doonaynaa inaan sii wadno dhismaha kahdka tageenada oo aan gaadhsiinno, dalalka Koonfurta Suudaan, jamhuuriyada Bartamaha Afrika iyo Cameroon si aan isugu xidhno badda cas iyo Badweynta Atlantic-kada,” ayuu yidhi Abuubakar Haaddi.

 

Ugu dambeyn, Djibouti oo ah waddan ugu baaxad yar dalalka ku yaalla Geeska Afrika ayaa  waxaa ka socda barnaamijyo horumarineed, kuwaasoo ay ka mid yihiin; lix dekedood iyo laba garoon oo kuwa diyaaradaha ah, iyadoo rajeynaysa inay noqoto xarunta ganacsiga gobolka Bariga Afrika.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here