Dhimashada Qaraxyadii Turkiga oo gaadhay 95-qof + SAWIRRO

0
697

ANKARA, Turkey  (HargeisaPress) — Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay in 95 ruux ay ku dhinteen qaraxyo loo maleynaayo inay is-miidaamin ahaayeen oo lala beegsaday dibadbax nabadeed oo ka dhacayay magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga.

Sidoo kale, xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay in 200-qof oo kale ay kasoo gaadheen dhaawacyo kala duwan, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu khasaare badnaa ee ka dhaca dalka Turkiga, muddo sannado ah.

 

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Ahmed Davutoglu ayaa Ankara ku dhawaaqay saddex casho oo baroor-diiq Qaran ah, taasoo lagu sagootinayo shacabkii faraha badan ee ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Ankara.

Qaraxyadii_Turkiga_dhimasho_badan_660 (1)

Inta badan dhibanayaasha qaraxyadan ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin taageerayaasha xisbiga kurdiyiinta ah ee dalkaas oo loo yaqaanno HDP, kuwaasoo la sheegay inay dibad-baxooda ku dalbanayeen in lasoo af-jaro duqeymaha uu Turkigu kuwaddo mucaaradka PKK.

 

Kurdiyiinta ayaa ku eedeeyay qaraxyadan inay mas’uul ka tahay dowladda dalka Turkiga, halka dowladda Turkiga ay beenisay eedahaasi, ayna dhankooda eedda dusha uga tuuray ururka la baxay dowladda Islaamka ee ISIS iyo kan Kurdiyiinta ee PKK.

Goksel_Ilgin_Turke_3469487b

Afhayeen u hadlay xukuumadda Ankara ayaa diiday eedeymaha ka dhanka ah dowladda, isagoo ku tilmaamay inay yihiin sheegashooyiin sharaf dhac ah oo la doonayo in lagu xumeeyo sawirka xukuumadda Turkiga.

 

Ugu dambeyn, goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqleen lab qarax oo culus oo ka dhacay dibadda xarunta ugu weyn ee tareennada laga raaco ee Ankara, ayna arkeen dhimashada dad fara badan oo daadsan barxadda lagu dibadbaxayay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here