Wadahadalladii Fashilmay Ee Xukuumadda iyo Mucaaradka oo Dib Loo Bilaabayo

0
1701

Hargeysa (Hargeisa Press) – Maayarka magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo Siyaasi Cali Warancadde, ayaa waxaa ay sheegeen in dib loo bilaabayo wadahadalladii fashilmay ee u dhexeeyay madaxwaynaha Somaliland iyo xisbiyada Mucaaridka.

Hogaanka xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa mudooyinkii u dambeeyay isku khilaafsanaa arrimaha doorashooyinka iyo furista urrurada, iyaga oo kulamo ay hore u yeesheen uu gebi ahaanba ku soo dhamaaday fashil.

Maayarka Hargeysa iyo Siyaasi Cali Warancadde oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in kadib kulan ay la qaateen madaxda mucaaradka ay isla meel dhigeen arrimo ay kamid yihiin siidii loo sii amba qaadi lahaa wadahadalada.

“Waxa kale oo xusid mudan in la yaqiinsaday in lasii amba qaado wadahadaladii siyaasadeed … dadkuna anay moodin in albaabkaa wadahadalku uu xidhmay, odayaasha is xilqaamay, iyo odayaashii kale ee ka horeeyay iyo guurtideena J. Somaliland intuba iyaga oo doorarkooda kala duwan qaadanaya in ay ka shaqeeyaan in wadahadaladii dib u bilaabmaan” ayuu yidhi maayar Mooge.

Maayar Mooge, ayaa dhinaca kale sheegay in ay xal ka gaadheen sugida amniga madaxda mucaaradka, iyo in ay helaan ciidan sharci ah oo ilaaliya sidii caadiga ahayd, isla markaana meesha laga saaro cidkasta oo kale oo sharci daro ah.

Geesta kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe oo qoraal kooban soo dhigay bogiisa Twitter-ka, ayaa waxaa uu sheegay in aanay waxba ka ogayn dhexdhexaadinta Maayar Mooge iyo Warancadde.

Waxaana uu sheegay in kaliya guddigii odayaasha ahayd ee isku xilqaantay dhexdhexaadinta iyo xal u helista khilaafka siyaasadeed ay ka warsugayaan.

“Xisbiyada Mucaaridku waxba kama oga labada mudane dhexdhaxaadinta ay Ku Jiraan Way Mahadsanyiin haddii ay iskood isku xilqaameen. Anagu Odayaashii  hore hawshsa ugu jiray ayaanu ka war sugaynaa.”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here