“Waa ku ceeb OCHA in ay lacag ku raadiso dadkii Laascaanood”…

0
374

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland ayaa ku eedeeyay haayadda Qarmada Midoobay ee OCHA in ay ka been-abuurtay warbixintii ay ka soo saartay xaaladaha dadkii ay dhawaan Somaliland ka saartay magaaladda Laascaanood.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku tilmaamay warbixinta UN OCHA mid ay ka muuqatay laba-wajiilayn iyo in ay buun-buunisay duruufaha nololeed ee dadkii Laascaanood ay Somaliland ka saartay haysta.

Madaxweyne Biixi, waxa uu sheegay in dadka ka soo jeedda Soomaaliya ay Laascaanood yimaadeen  iyagoon waxba haysan oo caydh ah oo ay ka yimaadeen Baydhabo iyo meelo ka fog 30 sano ka hor, isla markaana aanay OCH maalin qudha koob biyo ah siinin.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay xaflad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo 37-guurada ka soo wareegtay maalinta shuhadada SNM oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Geesta kale Muuse Biixi, ayaa jawaabo kulul siiyay maamul goboleedka Puntland oo aad u soo dhaweeyay dadkii laga soo raafay Laascaanod, isagoona xusay in gudaha magaalooyinka maamulka Puntland sanad kastaba lagu dillo dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi, ayaa sidoo kale canbaareeyay hadal ka soo yeedhay madaxda maamulka Muqdisho ee la xidhiidhay dadkii ay Somaliland ka raaftay magaaladda Laascaanood.

Waxaanu sheegay in maamulka Xamar aanu u qalmin ba inuu u jawaabo, taasoo uu ku sababeeyay in Xamar ay tahay meel maalin kasta lagu daadiyo Dhiiga bini’aadanka.

 

DAAWO: Madaxweyne Biixi Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

https://youtu.be/O5eEH1CVbyM

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here