WAA KUMA SIYAASI?

0
3291
Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud

Yaa siyaasi ah, kuma ayaa loo gu yeedhi karaa siyaasi amma qaadan kara yeedhmada siyaasi “title of politician”?

Soomaali waa ay jabtay, oo ay wayday ixtiraam iyo sharafkii runtu lahayd. Waa ay kadeedantay oo beentii laga waaban jiray maanta waxa ay noqotay weel arsaaq lagu ceesho iyo daruuriyaad xumaan lagu dheefsato.

Adduunyada qofku wax aannu ahayn ma sheeggan karo, waayo waa dambi oo xukunkiisa ayey leedahay.

Haddii aad dhakhtarnimo sheeggato, dabadeedna bukaanka baxnaanada u baahan ee filaya ladnaanshiyaha dabiibka aad been ugu hunguri baxsato, saw ma aha dhagar iyo natiijo naf-goyn ah xaalku?

Sidoo kale wax wal oo hawl qabad ah, oo aannad xirfadeedii wadan sheeggashadeedu waa in aad wax sii kharibto oo aad foolxumo biiriso.

Waxa se cajaa’ib ah cidda kaa aqbashay ee aad beenta ku fara-xumaysay! Bulsho been ku wada ceeshtay waa in ay hesho natiijo isku mid ah oo ah kharibbaad iyo wanaagga oo aad loo ga sii foggaado.

Aan u soo noqdo mawduuca e, siyaasaddu waa cilmiga dawladnimada iyo qarannimada dal laga ga shaqeeyo.

Sidaas oo ay tahay qof wal oo siyaasi noqonnayaa waa in uu leeyahay aqoon heer jaamacaddeed ah iyo khibrad shaqo oo 10 sano iyo wax ka badan ah. Waa haddii la isku tudhayo oo wanaag la raadinayo eh.

Markaa ka dib waa in uu dawladnimo wax weyn ka ogyahay, isla markaana leeyahay aragti han iyo himilo umaddeed ku foogan. Haddii xaal sidaa yahay cid ma ayaa siyaasi loo gu yeedhi karaa?

Waxa la isla aqoonsan yahay in cilmiga siyaasaddu saddex qaybood galo marka laga duulayo aqoonyahannada takhasuskeeda wata.

Takhasus ma aha Shaahaadada hore (Bachelor) ee jaamacaddeed ee waa kuwa labaad amma saddexaad (Msc, MPhil or PhD).

Tusaale ahaan waa cid qaadata Title ka ‘’Political Scientist’’ oo in ay bare ku noqdaan amma dabiib siyaasi ah iyo xal keenis ujeedadoodu tahay.

Cidda labaad waa ‘’Political Pundits’’ oo siyaasadda caalamka taxliillisa, rogrogta, odorosta oo faalkeeda bayaamisa.

Halka cidda saddexaad tahay ‘’Policy Makers’’ oo ah kuwa siyaasadda dal leeyahay dajiya, si umad loogu hago, dhaqaale lagu dhiso, amni lagu sugo oo dal lagu wanaajiyo.

Halkaa waxa innooga cad in saddexda qaybood ee cilmiga siyaasaddu u kala baxo midna aannu ku jirin siyaasi amma qof hoggaamiye ahi.

Sababtuna waa in uu hoggaamiyuhu noqon karo qof wal oo karti, aqoon iyo han siyaasi ah leh. Sinaba ugu ma xidhna in uu bartay cilmiga siyaasadda.

Haddaba yaa siyaasi noqon kara marka laga tago kartida, hanka iyo himilada shakhsigu leeyahay?

Siyaasi waa dhammaan askhaasta hoos ku xusan:-

  1. Xubin Baarlamaan oo Golaha Sharci dajinta iyo kan Guurtida xil ka haya amma hore uga soo qabtay. Waxa ay qaabilsan yihiin ee ka dhigay siyaasiyiin waa xilka in la doortay amma la xushay oo ay shacabka dawladnimada uga wakiil yihiin.
  2. Wasiir iyo Wasiir ku xigeen. Booskani waa boos siyaasaddeed cid wal oo hore u soo martay amma ah wakhtigani waa siyaasi, haddii aaney siyaasadda iskeed uga tanaasulin. Sababtuna waa Golaha siyaasadda waddanka u qaabilsan oo ay xubno ka yihiin iyo hoggaamiyaha qaranka oo ay xukunka iyo fulinta la wadaan.
  3. Badhasaab Gobol, waa masuul siyaasaddeed la mid ah wasiir, waxa na uu u qaabilsan yahay qaranka deegaano dhawr ah oo gobol hoos yimaada. Sidoo kale waa sumad ka turjumaad bixinnaysa heshiis bulsho oo dawli ah.
  4. Xildhibaannada Dawladdaha Hoose. Waa xubno la doortay oo sidoo kale xisbi-yahanno ah kana shaqeeya siyaasad deegaan oo maamul iyo maarayn ah.
  5. Guddoomiye hay’ad dawladdeed. Tusaale ahaan hay’addaha qaranka oo uu Madaxweyne magaacaabay, marka laga reebo hay’adda shaqaalaha qaranka, madbacadda qaranka iyo wakaaladdaha biyaha iyo laydhka i.wm.
  6. Xubnaha xilalka sare ee fulinta ah ka haya axsaabta qaranka, sida xoghayayaasha iyo hoggaannada xisbiyada.
  7. Hoggaamiyayaasha xisbiyada iyo murashaxiinta tartanka doorashada hay’aadka qaranka.
  8. La taliyayaasha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.
  9. Madaxweyne iyo Madaxweyne Xigeen.

Dhanka kale waxa jira madax iyo hay’aad qaran oo aan siyaasad gali karin, marnaba na aan qaadan karin yeedhmada siyaasi, waxa kuwaa ka mid ah:-

1.Agaasimayaasha Wasaaraddaha iyo shaqaalaha dawladda ee hoos yimaada dhammaan.

  1. Hay’aadka sharciga sida Maxkamaddaha iyo Xeer-Ilaalinta.
  2. Ciidamada qalabka sida iyo sharaakiisha amniga qaranka.
  3. Xubnaha Gollaha Dhexe iyo sharaakiisha maamulka ee axsaabta qaranka.
  4. Jaamacaddaha iyo maamulkooda oo ay barayaashu ku jiraan.
  5. Saxaafadda maxalliga ah ee madaxabannaan iyo tan dawladda.
  6. Aqoonyahanka aan ka midka ahayn axsaabta, marka laga reebo taageero xaqa muwaadinka oo daah-furan.
  7. Fannaaniinta iyo hal-abuurka qaranka, marka laga reebo taageero xaqa muwaadinka oo daah-furan.
  8. Culimaa-u-diinka, marka laga reebo bayaaminta xaqa Alle.

Ugu danbeyn dal ahaan iyo umad ahaan waxa innoo habboon in aynnu kala xishoono oo hay’aadka qaranka aynnu sharaftooda dhawrno.

Ma aha in wax walba saxaafaddeenu sheegto shacabkuna dhegaystaan. Fadlan aynnu qaran noqonno, si qaran loo noqdo waa in dawladnimada ixtiraam la siiyo.

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com

LEAVE A REPLY