Xaalad ka Taagan Masuuliyinta Shirkada laydhka ee Laascanood (LESCO) oo labba Bilooda Xidhan, waxgaradka G/sool oo cadaalad daro ku sifeeyey iyo Maxkamada Gobalka Sool Oo Ka Hadashay.

0
1550

“Dad Caddaalad Loogu Garnaqayaa Ma Jirto Waxaana Loo Adeegsanayaa Shaadh Dawladeed Shirkadda Lesco”

laascanood, (HargeisaPress) —Masuuliyiinta sare ee shirkadda Laydhka ee LESCO ee Magaaladda Laascaanood oo kala ah Guddoomiyaha Shirkadda Laydhyd ee Lesco Axmed Siciid Cilmi Iyo iyo Maareeyaha Shirkaddaasi Axmed Maxamed Cartan, ayaa muddo laba bilood ku dhow ku xidhan jeelka Magaaladdaasi, kuwaas oo lagu eedeeyey  in uu laydhkoodu khasaare nafeed geystay, arrintaas oo xaalad ka abuurtay magaaladda.

Masuuliyiinta shirkadda Laydhka ee Lesco, ayaa ku doodaya in ay sababtay khasaaraha nafeed ee ka dhashay laydhkani xadhiga ay jareen shirkadda cusub ee laydh gelinta samaynaysa laguna magacaabo Gurmad, waxaanay  soo jeediyeen in baadhitaan lagu sameeyo cidda uu ku cadaado kiiskani  ay qaadato masuuliyadda dhacdadaasi, balse waxa ay cabasho ka muujiyeen maamulka Shirkaddani in uu awood dawladeed u adeegsanayo ganacsadaha shirkadda cusub iska leh ee Maxamed Jabuutaawi.

Dhinaca kale qaar ka mida odayaasha iyo wax garadka gobalka  oo arintaasi aanu wax ka weydiinay isla markaasina naga codsaday inaan magacyadooda la baahin ayaa waxaa ay ku sheegen   in ay caddaalad darro ku xidhan yihiin masuuliyiinta shirkadda Lesco oo loo adeegsaday shaadh dawladeed caddaaladna aan looga garnaqin dhacdadaasi waxayna yidhaahdeen  “Dad caddaalad loogu garnaqayaa ma jirto oo caddaalad lagu dhex dhexaadinayo ma jiro, sida laga war qabo nin ayuu laydh dilay markaa nimankii laydhka lahaa waxa ay soo gudbiyeen in uu laydhkooda gooyey nin kale oo hadda ku soo biiraya laydhka in la keeno waa la diiday in  dacwadda laga aqbalo oo qoladii maamulku way diideen in ay ninkii meesha keenaan waxaana la odhan karaa illaa wasiirka arrimaha gudaha ayaa la qaba madama oo aanu u sheegnay waxna uu ka qaban waayay  arrintaa ninkaas ganacsadaha ah” odayaashan oo hadalkooda sii wata ayaa waxa ay intaasi raaciyeen

“waxaana loo adeegsanayaa shaadh dawladeed shirkadda Lesco lamana rabo in si caddaalad ah loo dhex dhexaadiyo, markii aanu nidhi anagaa dhex dhexaadinaynana waa nalaga diiday, xukumada Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa in hadii aan arintan wax laga qaban waxaa   dhici karta  in ay isku badasho arimo beeleed, amiga  gobalkuna faraha ka baxo”

Masuuliyiin badan oo ay ka mid yahiin kuwo xiligii arintani dhacday xilal  hayay oo aan xidhidh la sameynay iyo taliyaha qeybta hada haysta ayaa gabi ahaanba ka gaabsaday.

Sidoo kale waxaanu xidhiidh la  samaynay Badhasaabka cusub ee Gobolka Sool Cabdikhayre Dirir oo horena u ahaan jiray Xoghayaha Fulinta Degmada Laascanood si aanu wax uga ogaano eedeymaha  odayaashu ay sheegen waxaana uu si cad uga gaabsaday isna  in uu arintani noo faahfahiyo

Taliye ku xigeenki hore ee qeybta gobalka sool Aadan Mahad Maxamed oo dhacdadani xiligii ay dhacday ka hawlgalayay gobalka ayaa sheegay  in qaar ka mida masuuliyiintu aanay dhex dhexaad ka mid ahayn taasina ay keenayso in uu sii dheerado isagoona xaqdaro ku tilmaamay masuuliyiintaasi xidhan

“si xaqdaro ah ayay ragaasi u xidhanyahiin oo wax baadhisa oo masuuliyiinta gobalku  ay ku sameyen ma jirto”

Taliye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intasi waxa uu raaciyay in masuul uu ka yahay cadaalad darada meesha ka dhacaysa mulkiilaha shirkada gurmad ee ganacsadaha oo si toosa ay ula safanyahiin am aula socdaan xubno kiiska gacanta ku haya.

“iyagaa masuul ka ah arintani waxaanu gacanta ku hayaa nimanka ay ka midka yahiin taliyaha xeer ilaliyaha intaasu ninkaasi gacan saar la leeyahay gacantaanu ku hayaa iyagaanu adeegsanayaa”ayuu yidhi

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud Cumar oo wax laga waydiiyey  isna  arrintan,  ayaa faah faahin ka bixiyey sidii uu falkani u dhacay iyo sababta keentay in xadhiga masuuliyiinta shirkadani dheeraado, waxaanuu yidhi

“shirkad kale oo magaaladda dab siisaa ma jirtee shirkad kale oo shaqo wadaybaa jirta, nimankani markii maydka la aasay ka dib illaa labadii duhurnimo ayey arrintani timid oo ninna wuu ku dhaawacmaybaa la yidhi ninna wuu ku dhintay ciidanka Bileyska iyo Xeer-ilaalintuba way ka qayb galeen Aaskii maydka, waa la aasay maydkii oo shirkadda ayaa loo aasay iyo in uu Laydh dilay ninka, ka dib ayey warbaahinta la hadleen oo ay yidhaahdeen anagu beribaanu ka nahay oo shirkad kale ayaa waxan samaysay.”

Guddoomiye Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Waxa ay ku doodayaan in shirkadda kale jaray laydhkooda.

laakin is iska cabin ah ayey uga horyimaaddeen arrinta iyo si been abuur ah taas ayaana xadhiga keentay, dacwadda in la dhaqaajiyo oo qofka dhintay meel la saaro ayaanu doonaynay iyagaana hor istaagay  iyagaana dacwadda isku sii fogeeyey oo xeer-ilaalinta guud ayey geeyeen dacwadda haddii la guda galo in la dhegaysto weeyaan damiinna ma leh, qofkii in uu yidhaahdo qof kale oo shicib ah ayaa shaadh dawladeed ii adeegsanaya waa khalad meesha dawladbaa ka jirta, qareenkoodii oo reer Hargeyaa ahaa weli laascaanood kuma soo noqon iyagaanay sidani la wacnaatay, shirkadda kale ee ay ku eedaynayaan hay’adaha baadhsita ayaa u yeedhay oo baadhitaan ku sameeyey waxanay sheegeen in aanay natiijo dhalin arrintaasi ka dibna xafiiska xeer-ilaalintu ku qancay in aan maxkamadda la horgeynin shirkadda kale, dheeraynta waxa keenay dhoolatuska shirkadahan iyo cid qabta in awood dawladeed loo adeegsanayo ayaa keentay dheeraynta xadhigooda masuuliyiinta shirakdda Lesco” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool.

Maaha markii u horeysay ee dhacdadani oo kale ay ka dhacdo hase ahaate waxaa inta badan soo af jara maxkamadaha  iyo xukumada taasi oo hada lagu eedeynayo inay dhinac ka tahay dhacdadani, waxaana muddoyinki u danbeeyay ka taagna gobalka sool xaalad la xidhiidha xadhiga masuuliyintani.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY