Waa In La Xakameeyaa Saxaafad Ku Sheega Somaliland

0
894

Magacaygu waa Ali-Guban, waxaa ahay aasaasaha iyo tafatiraha Gubanmedia waxaan aaminsanahay xoriyada saxaafada si dadweynaha ay helaan warar sax ah, oo a dheelitirin.

Saxaafada masuuliyad ayaa  ka saaran inay soo  tebiyaan warar la hubiyey oo aan Xanaf lahayn, nabada iyo deganaansha qaranka aan waxyeelayn.

Waxaan doonayaa inaan idin la wadaago walaac  aan ka qabo jihada, habka ay u hawl galaan, iyo wararka ay fidiyaan qaar ka mid ah saxaafada Somaliland. Saxaafada  wararka ay  fidiso waaa inay noqdaan kuwa cadaalad ah, sax ah, oo dheelitirin.

Laakiin, saxaafado badan oo Somaliland ka hawlgala badankood way ka gaabiyeen inay ku dhaqmaan saxaafad wanaag “Good Journalism”.

Saxaafadu waxay  noqdeen hayado xayeysiis ama dacaayad “propaganda” loo furtay; una adeegaya  kooxo dano gaar  ah leh: sida ganacsato wax walba xalaalystay, siyaasiyiin fashilmay, urur diimeed  dibada laga soo maalgeliyo, beelo ku milmay siyaasada, iyo kuwa neceb Somaliland.

Saxaafada Somaliland way dhimatay—waxay ay babankood soo qoraan xaqiiqda ka dheer, saxna ma aha,waa runta ku sug.

Saxaafada maanta jirtaa waxa ay is ugu biyo shubteen websiteyo wararkoodu  uu yahay “Maqal iyo muqaal” ama youtubetv News, la garan maayo qof la waraysanayo magaciisa, cinwaankiisa,  mawduuca, ama  arrimaha laga hadlayo. Ma jiraan saxaafada wax qorta oo wixii dhacay qoraal ku sheegaya, ama falanqeeya arrimaha.

Waxaynu haynaa waa koox u badan dhallinyaro oo wax xirfad lahayn, ama ka saboolsan xirfada saxaafada.

Waxay sitaan ‘Mike  iyo camera” oo wax ka soo duuba qofk alla qofkii kireyste.
Ka dibna soo dhiga websiteyada si dad badan oo aan wax akhri Karayn  ay u daawadaan, iyagoo ka fiirsan cawaaqibxumada ka imaan karta marka war aan sugnayn la fidiyo.
MMTV, BulshTV iyo kuwa lake waxa ay wadaan been-abuur waxyeelaya nabad iyo xasiloonida wadanka.

Hadaba,muxuuse maamulka Biixi mulkiilayaasha Saxaafad ku sheeg talaabo uga qaadi waayey?

Waxaan haboon in saxafada Somaliland in ay  ku dhaqanto sharciyada iyo hab dhaqan “code of conduct”  iyo “ethics” saxaafada u yaala.

Intii loo dulqaadan karay waa loo dulqaatay Saxaafadan, wayna ka gaabisay inay ku dhaqanto saxaafad wanaag  “Good journalism”.

Waa in la xakameeyo am laga joojiyo beenta, isku- dirka, iyo qashinka Saxaafada Somaliland ay ku fidinayso shacabka Somalilaand, oo ay qaarkood u nugul yihiin qabyaalada qaawan iyo dacaayadaha shisheeye.

Ali-Guban

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here