Maayarka Laascaanood Oo Xadhiga Ka Jaray Suuq Cusub

0
461

Laascaanood (HP): Maayarka magaaladda Laascaanood ayaa maanta xadhiga ka jaray suuq cusub oo laga hirgeliyay magaaladda.


Suuqaasi cusub oo ay hirgelisay dawladda hoose ee Laascaanood ayaa magaciisa la yidhaahdaa suuqa Nafaqo.
Munaasibadii xadhig la jarista suuqaasi cusub waxaa ka soo qayb galay maayarka Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, maayar ku xigeenka Axmed Kawte, iyo masuuliyiin kale.


C/raxiin Cali Ismaaciil, maayarka Laascaanood xadhig ka jarkaasi hadal ka jeediyay ayaa kula dar-daarmay ganacsatadda suuqaasi loo dhisay.
Kuwaasi oo dhib badan kala kulmi jiray meelaha dayacan ee ay hore ugu ganacsan jireen.


Geesta kale waxaa isna halkaasi ka hadlay maayar ku xigeenka Laascaanood Axmed Kawte, ayaa sheegay in ay rejaynayaan in mustaqbalka dhaw 5-ta xaafadood ee magaaladda mid waliba hhelayso suuq kan la mid ah.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here