Hargaysa: Haayadda AL HUDA Oo Ciidsiisay Agoonta Ku Xeraysan Daaru-Raxma

0
607

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, ayaa maanta ka qayb galay munaasibad haayadda AL HUDA Dharka Ciidda ugu qaybinaysay 400 oo caruur ah.


Caruurtaasi Dharka loo qaybiyay oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho ayaa ah Agoonta ku xeraysan xarunta Daaru-Raxma ee caasimada Hargaysa.


Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumada, Culimo aw diin, bahda dhaqanka iyo masuuliyiinta ugu sareeya haayadda khayriga ah ee AL HUDA.
Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa haayadda AL HUDDA ku bogaadiyay hawlaha khayriga ah ee ay hayaan.
Waxaanu yidhi, “Waxaan bogaadinayaa shaqada wanaagsan ee ay haayadda Al Huda iyo kuwa la midka ah wadaan.
Waxaanan leeyahay ILLAAHAY SWT miisaanka xasanaadka ha idiinku darro, hawlaha wanaagsan ee aad wadaan”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here