“Waa in aan dagaalka laban laabnaa joojinta ka ganacsiga Harimacadka”…

0
442

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa maanta soo gebagabaysay tababar muddo shan maalmood ah ka socday magaaladda Hargaysa.


Tababarkaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa ku saabsanaa xakamaynta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka.
Waxaana tababarkaasi ka qayb qaadanayay masuuliyiin ka socday haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda deegaanka Somaliland ee ka shaqeeya arrimaha joojinta ka ganacsiga Harimacadka.


Sidoo kale waxaa tababarkaasi ka qayb qaadanayay saraakiil ka kala tirsan ciidamadda ilaaladda xeebaha, iyo booliska iyo xubno kale.
Waxaana xidhitaanka tababarkaasi lagu magacaabay guddi ka shaqaysa wax ka qabashadda ka gamacsiga Harimacadka oo isugu jira ciidamadda, wasaaradda deegaanka, iyo haayadaha ka shaqeeya joojinta ganacsiga Harimacadka.


Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay xidhitaanka tababarkaasi ayaa rejo fiican ka muujisay in xubnaha loo magacaabay xoojinta iskaashiga laga yeelanayo joojinta ka ganacsiga Harimacadka.
Wasiirku waxay sheegtay in ka dawlad ahaan iyo wasaarad ahaanba sii laban laabayaan wax ka qabashadda ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA WASIIRKA:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here