Siyaasi Bookh Oo Canbaareeyay Xadhiga Lagula Kacay Weriye Gabiley Lagu Xidhay

0
356

Gabiley (HP): Soyaasi Maxamed C/laahi Bookh, ayaa canbaareeyay xadhiga weriye Maxamed Cabdi Cumar, oo maanta lagu xidhay magaaladda Gabiley.
Kadib markii uu weriyahaasi shalay warbixin ka soo diyaariyay dhibaatooyin adeeg la’aaneed oo ka jira cusbitaalka magaaladda Kalabaydh ee gobolka Gabiley.
Weriyahaasi oo la sheegay in maanta ay xidheen ciidamadda booliska magaaladda Gabiley.
Siyaasi Bookh, oo ka tiraan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga weriyahaasi warbixinta ka soo diyaariyay cusbitaalka Kalabaydh.
Waxaanu sheegay in weriyuhu uu warbixintaasi bulshadda ugu iftiimiyay dhibaatooyinka ka taagan cusbitaalka Kalabaydh gaar ahaana Koronto la’aan si weyn looga cabanayo.


Siyaasi Maxamed Bookh, ayaa ku dhaliilay xukuumadda talladda haysa in aanu weriyahaasi ka mudnayn in la xidho, balse ay ahayd in la abaal mariyo, maadaama oo uu u tilmaamay addeegyadii bulshadda ay siinaysay oo ay ka gaabisay.

Weriye Maxamed Cabdi Cumar, ayaa ka hawl galla telefishanadda gaarka loo leeyahay, isla markaana uag soo warama magaaladda Gabiley.
Sababta xadhigiisa ayaana loo aanaynayaa in xukuumadu ay dhibsatay warbixinta uu ka diyaariyay dayaca ka jira cusbitaalka Kalabaydh.
Taasoo muujinaysa in xukuumadu ay ka gaabisay wax ka qabashadda dhibaatadda ka taagan cusbitaalkaasi gaar ahaana Laydh la’aanta ah.
Geesta kale siyaasi Bookh, waxa uu sheegay in shalay markii uu gaadhay warka sheegaya in cusbitaalka Kalabaydh uu koronto la’aan yahay inuu qorsheeyay sidii uu laydh ugu soo iibin lahaa cusbitaalka.


Waxaanu sheegay inuu bixiyay lacagtii lagu soo iibin lahaa Baateriyadda uu u baahnaa mishiinka korontadda cusbitaalka Kalabaydh, isla markaana wadanka dibadiisa laga soo iibinayo.
Hase yeeshee kadib markii ay xukuumadu arrintaasi ku baraarugtay in ay isla maanta arrintaasi ka hawl gashay.
Dhinaca kale ururka suxufiyiinta Simaliland ee SOLJA ayaanan wax war ah ka soo saarin xadhiga weriye Maxamed Cabdi Cumar, taasoo muujinaysa sida uu waayadan dambe ururkaasi uga gaabiyay shaqadiisii.
Iyadoo tan iyo intii la doortay hogaanka cusub ee ururka SOLJA si weyn loo dareemay gaabiska shaqo ee ururkaasi.
Arrintaasi ayaana loo aanaynayaa in ay keentay guddoomiyaha ururka SOLJA oo ah masuul xil ka haya wasaarada warfaafinta, iyo in xubnaha ugu badan ee guddiga fulinta SOLJA ay yihiin shaqaale ka tirsan wasaaradda warfaafinta Somaliland.

DAAWO: Siyaasi Bookh Oo Ka Hadlaya Xadhiga Weriyahaasi:
https://youtu.be/3hcUZrs4F7E

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY