Xeerarka Doorashooyinka Ee La Meel-Mariyay iyo Qodobada Saamaynaya Qaab-Dhismeedka Guddida Doorashooyinka

0
1389

Hargeysa (Hargeisa Press)- Mudanayaasha Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hor intii aannay ansixin Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/201, waxaa loo sharaxay qodobada lagu kordhiyay iyo kuwa kaabis iyo wax-ka-bedel lagu sameeyay.

Qodobada lagu soo kordhiyay iyo kuwa kaabista lagu sameeyay qaarkood, ayaa saamayn ku yeelanaya qaab dhismeedka Guddida Doorashooyinka Qaranka, habka loo raacayo sida lagu keenayo iyo go’aamada ay saaraan sida ay ansax ku noqonayaan.

Guddoomiyihii Guddida is waafajinta iyo dib u eegista, kaabista iyo wax-ka-bedelka  xeerarka  doorashooyinka ee gollaha horkeenay Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa warbixin ka jeediyay madasha fadhiga ka hor intii aan loo codayn xeerarka.

Xildhibaan Qodox, wuxuu sheegay innay guddi ahaan bilaabeen iskugurka, naaqishida iyo ka doodidda Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011, isla markaana ay jiraan qodobo ay ku kordhiyeen iyo kuwo ay wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyeen.

Waa markii kowaad ee la sameeyo xeer ogolaanaya doorashada madaxtooyada iyo ururada Somaliland, ayaa waxa lagu soo kordhiyay qodob sharaxaya qaabka loo qabanayo doorashooyinka isasaarka ah iyada oo uu xeerkani madaxbanaani iyo awoodo dheeraad ah uu siinayo guddida doorashooyinka Somaliland.

Waxaa sidoo kale uu goluhu kaabis ku sameeyay 35 qodob oo ka mid ah Xeer 91 ka doorashooyinka ee hore u jiray, iyada oo xogo dheeraad ah lagu daray si loo waafajiyo nidaamka cusub ee doorashooyinka.

Xeerkan, doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo ta urrurada siyaasada ee ay Golaha Wakiilladu codka aqlabiyada ah ku ansixiyeen, ayaa dhaqangal noqonaya marka ay Golaha Guurtida Somaliland ogolaadaan, Madaxweynuhuna uu saxeexo.

Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha iyo iyo Xeerka Ururada Axsaabta Siyaasada, ayaa waxaa ka dhashay soo jeedin ay sameeyeen qaar ka mid ah salaadiinta dhaqanka ee Somaliland.

Hoos ka daawo Qodobada Cusub iyo kuwa kaabista iyo wax-ka-bedelka lagu sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here