SOLJA oo Tababar U Furay Saxafiyiin

0
372

Hargeysa (HP): Ururka suxufiiyinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta tababar laba maalmood soconaya u furay 30 suxufi oo ka kala socda gobolada dalka.

Furitaanka tababarkan ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay Agaasimaha Xafiiska SOLJA Ismaaciil Axmed Ismaaciil, Mss. Anna Mariya, oo ka socotay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Guddoomiyaha ururka hablaha saxafiyiinta ee WIJa Yaasmiin Axamed Yuusuf.

Kuwaasi oo ka waramay faa’iidada uu tababarkan ku saabsan dood wadaagu u lee yahay saxafiyiinta.


Waxaanay ku booriyeen casharada labada maalmood ah kuna dabaqaan shaqadooda saxafinimo.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA Sakariye Axamed Muxumed, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL Cabdikariin Aadan Cadde.


Kuwaasi ku booriyey saxafiyiinta inay ka fogaadaan wararka abuuraya xasaasiyada khilaafka kuna dhiiradaan sidii ay u noqon lahaayeen suxufiyiin ka shaqeeya nabadda.

Dhinaca kale, ururka suxufiyiinta Hablaha ee WIJA ayaa tababar saddex maalmood ah oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa.

Waxaana ka soo qayb galay saxafiyiin iyo hablo ka socday haayado kala duwan kuwaasi oo baranaya fagaare ka hadalka iyo la xidhiidhida warbaahinta.


Masuuliyiinta goobtaasi ka hadlay waxa ka mid ah Gddoomiyaha Ururka WIJA Yaasmiin Axmed Yuusuf oo faahfaahisay ujeedada tababar, hablaha ku dhiirisay fagaare ka hadalka.

Tababarkaasina waxaa u furay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Siciid Xasan Habbane.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here