Somaliland iyo Midowga Yurub oo Ka Shiray Ammaanka Badaha iyo Ilaalintooda

0
2418

Berbera (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa magaalada Berbera ku qaabilay saraakiil ka socday Midowga Yurub.

Labada dhinac, ayaa isla gorfeeyay sidii iskaashi joogto ah looga yeelan lahaa arrimaha ammaanka badaha iyo ilaalintooda.

Taliyaha Ciidanka Ilaalaada Xeebaha Somaliland iyo Madaxa MidowgaYurub, ayaa sidoo kale waxaa ay ka wadahadleen mudadii ay joogeen magaalo xeebeda Berbera xoojinta xidhiidhka labada dhinac Ciidanka iyo Midowga Yurub.

Sidoo kale, waxaa ay ka wadahadleen Ilaalinta biyaha badacas iyo ka hortaga wax kasta oo dhibaato ku keeni kara biyaha mandaqada gaar ahaana korjoogtaynta bad-qabka biyaha Somaliland iyo wadamada jaarka.

Taliyaha, ayaa uga mahadnaqay Saraakiisha Midowga Yurub socdaalkan ay ku yimaadeen magaalada Berbera iyo la shaqaynta Ciidanka ee dhinacyada muhiimka ah.

Gabagabadii waxay booqdeen goobo muhiim oo ay ka mid ahayd xeebta lagu dabaasho ee Batalaale iyo goobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here