Ugaas Axmed Cabdi Askar oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Hadalo Ka Soo Yeedhay Madaxda Soomaaliya

0
1144

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ugaas Axmed Cabdi Askar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa waxaa uu jawaab adag ka bixiyay hadalo dhowaan ka soo yeedhay madaxda Soomaaliya.

Ugaas Axmed ayaa sidoo kale waxaa uu madaxda Soomaaliya uga digay fara-gelinta ay markasta ku hayso Somaliland.

Waxaa uu Ugaasku ugu baaqay xukuumada Somaliland, Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqameedka inay jawaab adag ka bixiyaan hadaladaas ka soo yeedhay madaxda Soomaaliya iyo faragelinta ay markasta ku hayaan Somaliland.

Sidoo kale, Ugaaska Axmed Cabdi Askar ayaa ka hadley xanuunka Coronavirus ee saamaynta ku yeeshay Somaliland, isagoona ugu baaqay gudida kahortaga xanuunkaasi inay caawimo deg deg ah gaadhsiiso macalimiinta waxka dhiga madarasadaha dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here