Kulan Dhexmaray Baanka Dhexe Ee JSL iyo Baananka Gaarka Loo Leeyahay

0
286

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha baanka dhexe ee JSL ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland ee ka hawl galla.

Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Dahabshiil International Bank, Dara-Salaam Bank, Premier Bank, Amal Bank iyo guddoomiyaha Ururka Baananka Somaliland.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir, waxaa kulankaasi ku weheliyay duddoomiye-ku-xigeenka Baanka Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Baanka Mukhtaar Cabdi Quule.

Agaasimaha Qaybta Koormeerka Hay’addaha Maaliyadeed, Madaxa Xafiiska Is-waydaarsiga agabka maaliyaddeed iyo Agaasime ku xigeenka Qaybta Dabagalka Dhaqdhaaqyada Maaliyadeed.

Kulanka oo ahaa kulankii u horeeyey ee ay sanadkan yeeshaan Baanka dhexe ee JSL Somaliland iyo Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay waxaa lagu gorfeeyey qodobo dhawr ah.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu baahiyay baanka dhexe ee Somaliland kulankani ayaa daarranaa sidii ay baanka dhexe ee Somaliland iyo baananka gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawl galaa u wada shaqayn lahaayeen.
Qodobadaasina waxaa ka mid ahaa

1. Xaaladda Guud ee Bangiyada

2. Caqabadaha haysta Bangiyadda

3. Kor u qaadista Daah-furnaanta Dhaqdhaqaaqyada Maaliyadeed iyo Dardar Galinta Dhaqan Galinta Xeer Lr. 87/2019,

4.Hirgelinta Sharia Office iyo Ka shaqeysiinta Xafiiska Iswaydaarsiga Agabyada Maaliyadeed(Clearing House Office ).

Gebagabadii waxaa kulankaasi la iskula qaatay qodobadan hoos ku qoran.

1- In La dhamaystiro shuruucdii kor u qaadi lahaa kaabayaasha maaliyadeed ee dalka “Financial Infrastructure”.

2- In la diyaariyo qorshaha baananka gaarka loo leeyahay iyo baanka dhexe ay ku hormarin lahaayeen suuqayada maaliyadeed ee dalka.

3- In la shaqo galiyo habka shaqadda iswaydaarsiga agabka maaliyeed (Clearing House) si manual ah.

4- In La dardar galiyo wada xidhiidhka baananka gaarka loo leeyahay iyo baanka dhexe oo kulan kale la iskugu yimaado, hadii ALLE Idmo.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here