“Caafimaadka bini’aadamku wuxuu ku xidhan yahay deegaanka oo aynu ilaashano…”

0
316

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa sheegtay in ay lagama-maar-maan tahay in la ilaaliyo bed-qabka caafimaadka deegaanka, si loo hello bulsho caafimaad qabta.
Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxay tilmaantay in deegaan nabad-qaba, oo hagaagsan uu soo saarro bulsho caafimaad qabta, sidaas darteed na la inooga baahan yahay in la ilaaliyo bed-qabka iyo habkiisa dabiiciga ah ee deegaanka.
Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland waxay sidan ka sheegtay hadal ay maanta ka jeedisay daah-furka barnaamijka isku xidhka caafimaadka dadka, deegaanka, iyo xoolaha (One Health Approach).
Barnaamijkaasi oo uu maanta magaaladda Hargaysa ka daah-furay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).

Shukri Baandare, oo halkaas ka hadashay ayaa tilmaantay in wax walba oo nolosha bini’aadamka ah ay ka bilaabmaan Hooyadda Dabiiciga ah, taasoo ah in la ilaaliyo deegaanka, isla markaana Deegaan nabad-qaba oo hagaagsan uu saarro bulsho caafimaad qabta.
Shukri Baandarre, waxay sheegtay in Caafimaadka bini’aadamka, iyo ka caafimaadka xooluhu ba ay ku xidhan yihiin deegaanka oo aynu ilaashano, si aynu deegaan caafimaad qaba u helno.
“Mashruucani cusub ee aynu caafimaadka kaga hadlayno, marka aynu dib u eegno, wax waliba waxay ka bilaabmaan Hooyadda Dabiiciga ah (Mother Nature). Hooyadda dabiiciga ahi, maxay tahay? Waa hooyadda inna quudisa, hooyadu na waxa weeyaan in la ilaaliyo deegaanka.
Deegaan nabad-qaba, oo hagaagsan, ayaa bulsho caafimaad qabta soo saarra. Caafimaadka bini’aadamka, iyo ka xooluhu ba waxay ku xidhan yihiin deegaanka oo aynu ilaashano, si aynu deegaan caafimaad qaba u helno” ayuu yidhi wasiirka Deegaanka JSL.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here