Dhinacyada ay saamaysay carqaladeynta isusocodka Shidaalka ee Badda Cas oo la shaaciyey

0
172

Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Tamarta Caalamiga ah ayaa maanta sheegay in dib u dhaca ku yimid imaanshaha Maraakiibta Shidaalka qaada, oo ka weecanaya weerarrada ay Xuutiyiintu ka geysanayaan Badda Cas ay saameyn ku yeelaneyso Suuqyada, gaar ahaan Yurub.

Dhinaca Isbuuca Tamarta Hindiya ee magaalada Goa, Keisuke Sadamori, oo ka socda madasha caalamiga ah, ayaa yidhi, “Waxaan hadda aragnaa xaalad adag marka la eego waxa ka dhacaya marinnada kanaalka Suweys iyo Badda Cas.”

In kasta oo ay sii kordhayso dib u dhaca iyo cabsida laga qabo inay sii korodho xiisadaha Bariga Dhexe, qiimaha saliidda adduunka ayaa hoos u dhacay iyo Brent crude, oo ah halbeegga caalamiga ah, waxaa lagu kala iibsanayey wax ka yar $80 foostadiiba toddobaadkan.

Sadamori waxa uu arrintan ku sababeeyey in “suuqyadu ay aad ugu raaxaystaan” tirada cayriin ee hadda la bixiyo iyo saadka laga helo meel ka baxsan ururka ay ku mideysan yihiin soo saarayaasha ugu waaweyn ee saliidda ee OPEC +, oo inta badan laga keeno Maraykanka, Brazil iyo Jamhuuriyadda Guyana,. Kobaca baahida iyo iyo welel ayaa xilligan xaadirka ah iska hooseeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here