Tirada dadka ku dhintay qarax ka dhacay Kenya oo korodhay

0
135

Nairobi, Tirada dadka ku dhintay qarax weyn oo gaaska cuntada lagu karsado ka dhashay oo Khamiistii ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa gaartay lix qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Labo qof oo kale ayaa u dhintay dhaawac Axadii iyaga oo lagu daweynayo Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta, oo ah isbitaalka ugu weyn ee dalka.

52 kale ayaa lagu daweynayaa xarumo caafimaad oo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here