Tigreega oo Soo Bandhigay 6,000 Askari oo Ay Ka Qabsadeen Ethiopia (Sawirro)

0
1490

Mekelle (Hargeisa Press) – Askar maxaabiis ah oo laga qabsaday ciidamada dowladda federaalka Ethiopia, ayaa Jimcihii la mariyay waddooyinka magaalada Mekelle ee caasimadda Tigreega, iyada oo shacabkuna ay dhinacyada ka taagan yihiin.

Sida uu qoray wargeyska New York Times, in badan oo ka mid ah askartan, ayaa madaxooda hoos u dhigay, Qaarkood ayaa lagu siday bareelayaal iyaga oo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo dhiig.

Maxaabiistan, ayaa soo bandhigistooda looga dan lahaa in lagu beeniyo hadal uu Arbacadii jeediyey ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo sheegay in wararka ku saabsan in ciidamada laga adkaaday ay yihiin been, taa beddelkeedna ay ku dhowaaqeen xabad-joojin.

Askarta maxaabiis ahaanta loo qabsaday, ayaa afar maalmood lagu hayay xerooyin kahor inta aan waddooyinka la soo marin Jimcihii.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo sideed bilood kadib dib ugu soo laabtay xafiiskiisa magaalada Mekelle, ayaa wareysi uu siiyay New York Times ku sheegay in ciidamadiisa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 6,000 oo askar Ethiopian ah.

Waxa uu sheegay in saraakiisha Tigrayga ay xidhiidh la leeyihiin hay’adda laanqeyrta cas, islamarkaana ay dhowaan sii dayn doonaan saraakiisha darajooyinka hoose, balse ay sii hayn doonaan kuwa darajooyinka sare.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax tilmaamo ah oo muujinaya in askarta laga qabsaday Ethiopia loola dhaqmay si xun.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here