Tartanka Orodka Maradonka Somaliland Oo Maanta Lagu Qabtay Hargaysa

0
1267

Hargaysa (HP): Tartankii saddexaad ee Orodka Maradonka Somaliland ee 42-ka KM iyo 10-ka KM ayaa maanta lagu qabtay garoonka Hargaysa Stadium ee caasimadda Somaliland.

Tartankaasi oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland waxaa qaban-qaabadiisa qaybta ugu weyn ka qaadatay shirkadda Dahabshiil Group, iyo shirkadaha SBI Sagal Jet iyo cusbitaalka Edna Aadan.

Waxa kaloo madashaasi joog joog ka ahaa xubno ajaanib ah oo ka socday ururka Somaliland Marathon oo ka shaqeeya arrimaha dhiirigelinta iyo horumarinta dhalinyaradda.

Waxaana qabashadda tartankaasi ka soo qayb galay wasiirrada arrimaha, dhalinyaradda iyo ciyaaraha, badhasaabka gobolka Maroodijeex, agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland,

Orodyahanadii tartanka ka qayb galay ayaa ka kala socday goboladda Somaliland Sool, Sanaag, Awdal, Saaxil, Togdheer iyo Maroodijeex. Iyadoo tarantankaasi ay markii u horaysay ka qayb qaateen Gabdho.

Orodyahanadii kaalmaha hore galay ayay shirkadda Dahabshiil gudoonsiisay midkiiba qadar lacageed. Iyadoo lagu wareejiyay Jeeg ay ku qoran tahay cadadka lacagta uu helay.

Waxaana qaybta 42-ka KM kaalinta koowaad galay Maxamed Xuseen Axmed, oo ku guulaystay lacag abaal-marin ah oo dhan 800$. Kana socday gobolka Awdal, kuna Ordayay magaca kooxda Gaashaan ee ciidanka qaranka Somaliland.

Kaalinta labaad waxaa galay Mustafe C/qaadir Maxamed, oo helay 500$, oo isna ka socday kooxda gaashaan ee ciidanka qaranka Somaliland. Kaalinta saddexaad waxaa galay C/laahi Aadan Faarax, oo helay lacag dhan 300$.

Sidoo kale qaybta labaad ee tartankaasi oo la ordayay 10KM, ayaa la gudoonsiiyay …waxaa kaalinta koowaad galay Siciid Faarax Cumar, oo helay lacag dhan 600$.

Kaalinta labaad waxaa galay C/qani Xaamud, oo ku ordayay magaca kooxda gaashaan. Kaalinta saddexaad waxaa galay Yaxye Maxamuud Ibraahim.

Dhinaca kale taratnkani oo ay ka qaadaanayeen Gabdho, ku ordayay 10-ka KM, waxaa kaalinta koowaad gashay Hanna Mukhtaar C/laahi, oo heshay lacag dhan 600$.

Halka kaalinta labaad-na ay gashay Xamda Cabdi Daahir, oo ku guulaysatay lacag dhan 400$. Sidoo kale waxaa kaalinta saddexaad gashay Iido Ruush Carab.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here