Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland oo Kormeeray Fadhiisimada Ciidanka Ee Aagga Bari

0
1948

Qorilugud (Hargeisa Press)- Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa kormeer hawleed ku tagey xeryaha ciidamada Qaranku ka degan yihiin degaanada Qorilugud iyo Maygaagle, halkaasi oo mudooyinkii u danbeeyay ciidanku hawl galo difaaca dalka ay ka fulinayeen.

Saraakiisha ciidamada ee ku sugan Xeryaha Qorilugud iyo Maygaagle, ayaa taliyaha warbixin ka siiyay hawlaha ay ciidamadani Qaranka u hayaan oo ay ka mid yihiin sugida amniga iyo xaqiijinta nabadgelyada degaanada ay fadhiisimaha ku leeyihiin, kuwaasi o wakhtigan danbe xaaladda nabadgelyo darro ay ku soo koradhay.

Taliye Nuux, ayaa ciidamada iyo saraakiisha, fadhiisimada Qorilugud iyo Maygaagle ku amaanay doorka ay ka qaataan sugida ammaanka degaanada ay joogaan.

Waxaanu Taliyuhu ku booriyay in dadaalkooda ay ka sii libin laabaan sidii hore, si looga hortago cidkasta oo nabadgelyada wiiqi karta.

Taliyaha, ayaa weli ku guda jira kormeerkii ahaa dhiirigalinta iyo garab istaaga Ciidanka ee gobolada bariga Somaliland, si loo dhiso qiyamka iyo quluubta ciidanka Qaranka ee ku hawlan sugida iyo ilaalinta guud ahaan nabadgelyada dalka.

May be an image of 5 people

May be an image of 4 people

May be an image of 1 person, crowd and text that says 'Galaxy A52'

May be an image of 6 people

May be an image of 6 people and rhinoceros

May be an image of 6 people

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here