Agaasimeyaasha Cusub Ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Arrimaha Dibedda oo La Maamuusay

0
648

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa loogu sameeyay munaasibad iskugu jirta soo dhaweyn iyo hadhimo-sharafeed, Agaasimeyaasha guud ee cusub ee Wasaaraddaha Warfaafinta Mustafe Cabdi Ciise iyo Arrimaha Dibadda Axmed Abokor Maxamed.

Munaasibadan oo ay soo agaasimeen Madasha Gargaar, ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Aqoonyahan iyo marti sharaf kala duwan.

Ugu horayn waxaa munaasibada hadalo kala duwan oo isugu jira hambalyo, duco iyo dardaaran, ka jeediyay Masuuliyiintii ka soo qayb gashay munaasibada iyo xubnaha Xildhibaanada goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada.

Waxaanay si qoto dheer uga warameen doorarkii kala duwanaa ee ay ka soo qaateen Xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka iyo waxqabadyadii muuqday ee labada Agaasime ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Arrimaha Dibedda.

Intaasi kadib, waxaa munaasibada hadalo ka jeediyay Labada Agaasime ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Arrimaha Dibedda, Mustafe Cabdi Ciise iyo Axmed Abokor Maxamed, iyagoona si wadajir ah ugu mahadnaqay masuuliyiinta kala duwan ee munaasibada hadhimo sharafeedka ah u sameeyay.

Labada agaasime ee Mustafe Cabdi Ciise iyo Axmed Abokor Maxamed oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland magacaabay, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo mara, waxaana lagu xasuustaa waxqabadyadii ay ka hirgeliyeen Hay’adihii dowladda ee ay xilalka ka soo qabteen iyo ajandayaashii horumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here