Caynaba: Tababar Ku Saabsan Wax Soo Saarka Siidhka Calafka Xoolaha

0
269

Caynaba (HP): Wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland ayaa gobolka Saraar, ku qabatay tababar ku saabsanaa wax soo saarka Siidhka calafka xoolaha.

Tababarkaasi oo lagu qabtay magaaladda Caynaba, oo maanta la soo gebagabeeyay ayaa socday muddo saddex maalmood ah.

Waxaana tababarkaasi ka qayb qaadanayay shaqaalaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Saraar, iyo xubno ka socday bulshadda magaaladda Caynaba.

Tababarkaasi waxaa fulinaysay haayadda maxaliga ah ee AADO, halka ay maalgelisay wasaaradda Deegaanka JSL oo kaashanaysa haayadda UNDP.


Sidoo kale waxaana tababarkani loo qabtay labaatan qof oo kala socday dadka xoolo dhaqatadda, iyo beeralayda ee gobolka Saraar, iyo shaqaalaha wasaaradda Deegaanka ee gobolkaasi.

Isku-duwaha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee gobolka Saraar Mubaarig Ismaaciil Cismaan, oo xidhitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay haayadda UNDP mashaariicda ay wasaaradda Deegaanka kala qabatay gobolka Saraar, kuwaasoo uu ku jirro xarunta dhir kobcinta.

Mubaarig Ismaaciil Cismaan, ayaa ka qayb galeyaashii tababarkaasi kula dar-daarmay in casharadii ay barteen in ay uga faa’iideeyaan bulshadii ay ka yimaadeen.

Waxa kaloo uu sheegay Isku-duwaha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee gobolka Saraar, in tababarada noocan ah ay aad muhiim ugu yihiin bulshadda gobolkaasi.

“Waxaan idin kula dar-daarmayaa dhamaantiinba bulsho ahaan aqoonta aynu ka faa’iidnah tababarkani waa in aanay idinka uun idinku koobnaanine, waa inaad bulshadiina uga faa’iodaysaan.

Dhulkii aynu ka nimid, iyo dadkii aynu ka nimid, inta aynu bari karno waa inaad bartaan. Tababarada noocan ahi aad iyo aad ayay muhiim ugu yihiin bulshadda gobolkeena” ayuu yidhi Isku-duwaha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee gobolka Saraar.

Geesta kale waxyaabaha lagu bartay tababarkani waxaa ka mid ahaa wax soo saarka calafka xoolaha, iyo suuq gayntiisa, iyo sida loo goosto, iyo sida tayadiisa loo ilaaliyo, iyo sida loo kaydiyo.

Sida uu sheegay in Maxamed Saleebaan Muumin, oo ahaa macalinka tababarkani bixinayay.

Maxamed Saleebaan Muumin, oo arrimahaa ka warbixinayayna waxa uu yidhi
“Waxyaabaha lagu bartay waxaa ka mid ahaa wax soo saarka calafka xoolaha, iyo suuq gayntiisa, iyo sida loo goosto, iyo sida tayadiisa loo ilaaliyo, iyo sida loo kaydiyo.

Tababarkan waxaa qabatay oo fulinaysay haayadda AADO, waxaana maalgelintiisa iska kaashaday wasaaradda Deegaanka Somaliland, iyo haayadda UNDP.

Waxaa ka faa’iidaystay 20 qof oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshadda Caynaba”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here