Taliska Milateriga Mareykanka Afrika oo Taliye Cusub Yeeshay

0
427

Washington (Hargeisa Press) – Taliska Milateriga Mareykanka Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa todobaadkan yeelanaya taliye cusub, kaas oo lagu magacaabo Jeneraal Michael Langley.

Taliyaha cusub, ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee ka tirsan ciidmaada badda Mareykanka ee madow ah oo gaadhay darajada Jeneraalka afarta xiddigood leh.

Aqalka Sanate-ka ee dalka Mareykanka, ayaa shalay ansixiyay dallacsiinta Jeneraal Langley oo loo magacaabay taliyaha ciidanka AFRICOM.

Taliska AFRICOM, ayaa xaqiijiyay in Jeneraal Langley uu xilka kala wareegi doono Jeneraal Stephen Townsend toddobaadka dambe, gaar ahaan 9-ka August.

Wadamada ay ka howlgalaan ciidamada AFRICOM waxaa ku jirta Soomaaliya, waxayna dowladda Soomaaliya ka caawiyaan la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Waxay AFRICOM gudaha Soomaaliya ka fulisaa duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish, sidoo kalena wuxuu taliskaasi tababarro siiyaa ciidamada Danab ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here