Mucaaradka oo Hanjabaad Culus U Diray Xukuumadda

0
2002

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa ku hanjabay in ay iska celin doonaan xukuumada, iyaga madaxweynaha ku eedeeyay in uu ergo walba diiday.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka hadlay xaflad meher, ayaa sheegay in aanay ogolaanayn wax aanu madaxweyne Biixi-ba ogolaan jirin.

“Ogolaan mayno waxaanu isba ogolaanin, Kulmiye ma jiree, ina Biixi ayaa jiree, ina Biixina waanu iska celinaynaa, dalkii wuu sheegtay” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa dhankiisa sheegay in madaxweyne Biixi uu ergo walba, diiday balse ka mucaarad ahaan, ay tanaasul badan sameeyeen, sidaas darteedna aanay jirin sabab iyaga looga codsado tudhaale,

“Reer Somaliland-now waxa aad anaga nagu riixaysaan oo aad leedihiin tudha bal noosheega” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Xisbiyadda mucaaradka Somaliland, ayaa qorshaynaya mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan in doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo, iyadoo xukuumaduna sheegtay in anay dhacayn mudaharaadyo aanay ogolaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here