Talaabooyin Midha dhalay “Siyaasadda Arimaha Dibadda Somaliland

0
1363

Talaabooyin Midha dhalay “Siyaasadda Arimaha Dibadda Somaliland

Maskaxda wanaagsani kuguma badbaadiso kaliya inay awood leedahay, balse waxaa jira farsamooyin yaryar oo ka saari kara caqabaddo aanay abidkaa xaliseen, Talaabooyin midha dhalay

1- Safarkii Madaxweyne kuxigeenka Somaliland uu ku tagay Yurub.

 M/kuxigeenka Abdirahman Saylici wuxuu u amba baxay qaarada yurub waxaanu safarkiisii ugu horeeyay ka dagay Dalka UK, waftiga Madaxweynaha waxaa wehelinayay wasiir Shukri xaaji ismaaciil baandare, Safiirka Somaliland UK ufadhiya Ayan Cashuur, Dr Adna Aden waftigu wuxuu la kulmay 05 Dec 2018 UK HOUSE OF LORDS gaar ahaan Xubno sar sare ilaa 15 xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka Ingiriiska oo ay ka mid yihiin LORD HOWELL,LORDHANNAY, Xoghayihii hore ee arimaha Dibadda UK Mr Boris Johnson waxaanay ka wada hadleen Xidhiidhka UK iyo somaliland.

Wuxuu Madaxweyne saylici safarkisii labad la kulmay Xildhibaanadda baarlamaanka UK gaar ahaan Matthew afford waxay ka wada hadleen waxbarashada,amniga,iyo horumarka,si adkaynta Xidhiidhka UK iyo somaliland.

Wasiir Shukri Haji Ismaaciil baandare iyo oo ah wasiirka horumarinta reer miyiga somaliland Iyo Safiir Ayan Cashuur waxay ka qayb galeen baarlamaanka kulan lagaga hadlayay badbaadinta xayawaanka duurjoogta, waxay wasiirku la kulantay baarlamaanka Ingiriiska.


Isla safarkaas wuxuu Madaxweyne Saylici la kulmay 06 Dec 2018 Baarlamaanka Yurub gaar ahaan Xildhibaan James Carver oo ka mid ah Xildhibaanada Midawga yurub waxaanu xildhibaanku ka qoray somaliland warbixin dheer oo uu ku baahiyay warbaahinta caalamka in somaliland tahay goobaha awoodaha aduunka isha ku hayaan.

 

2-Safarki Wasiirka Arimaha Dibadda Mr faratoon Ambassador Bashir goth,La taliyaha dhaqaalaha Dr Osman.

Isla Dec 13 2018 waxay Wasir faraton iyo waftigii uu hogaaminayayla kulmeen xubin ka tirsan Koongaraska Congressman Hank Johnson of Georgia Xaruntiisa Washington dc waxaanay ka wada hadleen qodobo muhiim u ah Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.
Waxay waftigani ka qayb galeen Bandhig cilmiyeed ay soo qabanqaabisay Xarunta ugu wayn cilmi baadhista dhinaca siyaasada ee maraykanka IRI oo uu marti ku ahaa la taliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Trump lana yidhaahdo JOHN BOLTON waxaanay laga fadhiisiiyay kuraasta VIP-da.
Isku soo wada duubo Dhaqdhaqaaqasi wuxuu daarna muddo hal bil ah waxaana mudan in la xuso midha dhalkeedii oo u eeg mid muuqda.

3-Shirkii Ganacsiga ee safaaradda Somaliland ee Kenya lagu qabtay.

 

Safaaradii Somaliland ku leedahay kenya waxaa lagu qabtay Shir ganacsi December 02 2018, Shirkani waxaa kasoo qayb galay Ganacsatadda reer kenya,Somaliland iyo waddamo kale oo ka mid ah bariga afrika.
Kulankan waxaa ka hadlay wasiirka ganacsiga Kenya “Shirkan waxaa laga wada hadlay Ganacsiga iyo xidhiidhada siyaasi ee ka hirgali kala labadda wadan sida Qaadka Miiroo-ga”
Arintani waxay furtay hadal hayn balaadhan oo tartan galisay suuqa qaadka ee u xidhnaa Dalka ethopia waxaana ka hadlay Madaxweynaha Kililka orommada Atto lemma “lagama yaabo in kenya keento qaadka dalka somaliland,Suuqan waxaa gacanta ku haya waa annaga cidkalena ma keeni Doonto”

Waxaa isla shalay 15 Dec2018 Dalka yimid Hogaanka dhaqanka orommada Abaa gaadaa waxaanay taabteen Nuxurka safarkooda “93% ayaa dhaqaalaha ka yimaada somaliland ka yahay dakhligayaga” sidaa waxaa yidhi waftigii abaa gaadaa ee orromia.

Dawladda Ethopia oo soo magacowday somaliland Safiir Meeqaam sarre oo inbaddan kasoo shaqaynayay Diplomaasiyadda Mr shamsudiin. Siyaasadda arimaha dibadda waxay qaaday talaabooyinkaas oo midha dhalkeediina muuqdo,In la is kaashado oo qaranka la wada dhisto ayaa la innaga rabaa.

W/Diyaariyay:Ahmedyasin Sh Cumar Ahmed Furre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here