Tabashadii Korneyl Caarre oo La Soo Afmeeray iyo Heeshiis Buuxa oo Lala Gaadhay

0
977

Ceerigaabo (Hargeisa Press)– Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka magaalada ay soo gaadheen Kornayl Caarre iyo Ciidamadiisu.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaa ku daraya in Kornayl Caarre iyo Ciidamadiisa la dejiyay deegaanka Karinta oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Ciidamadan uu hogaaminayo Kornayl Caarre ayaa la sheegay in halkaasi ay joogayaan ilaa beri inta laga diyaarinayo soo dhoweyn maqaamkeedu sareeyo oo loogu samaynayo Magaaladda Ceerigaabo.

Madax-dhaqameedka beesha Korneyl Caarre iyo xukuumadda Somaliland ayaa is afgarad buuxa ka gaadhay tabashadii jabhadaasi waxaanay kamid noqon doonaan ciidamada Qaranka Somaliland.

Kornayl Caarre iyo Ciidamada Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore dagaal culus ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Wixii warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudin doonaa….

 

Hargeisa Press Desk/Ceerigaabo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here