Qaramada Midoobay oo Caddeysay In Aanay Soomaaliya U Aqoonsan SSC Maamul-goboleed

0
2398
Ergayga xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing

Muqdisho (Hargeisa Press)- Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxaa uu caddeeyay in aanay Soomaaliya Kooxda SSC u aqoonsanayn, Maamul-goboleed madaxbannaan.

Ergayga xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo ka warbixinaysay maalinta Qaramada Midoobay oo la waydiiyay qoraalkii Soomaaliya ee Kooxda SSC inuu aqoonsi yahay, ayaa sheegtay inaanu ahayn aqoonsi.

β€œAnigu waxaan qoraalkii Soomaaliya ka fahmay in aanay Kooxdan u aqoonsanayn gobol ee waxaa ay u aqoonsan tahay maamul, sidaas darteedna waa gole ay la shaqayn doonaan.” ayay tidhi Catriona.

Catriona Laing, ayaa hadalkeeda raacisay, β€œSida cad Qaramada Midoobay ma aqoonsato gole, balse waxaanu kala shaqaynaynaa si ay awood ugu yeeshaan adeegyada, sida gurmadka bani’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.”

Si kastaba, hadalka Ergayga xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa meesha ka saaray warar toddobaadyadii u dambeeyay la isla dhexmarayay ee lagu sheegay in Soomaaliya Kooxda SSC u aqoonsatay maamul-goboleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here