Suldaanka Guud Ee Subeer-Awal Oo Qoyskii Iyo Saxaafadda Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timi Weriye Axmed Xasan Cawke

0
901

Hargeysa, (HargeisaPress) — Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan,ayaa ka tacsiyadeeyey Qoyskii, Eheladii,Qaraabadii iyo bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Axmed Xasan Cawke oo saaka ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee dawlada deegaanka Soomaalida Ethiopia.

 

Sida waxa uu Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ku sheegay qoraal uu ku saxeexan-tahay oo ay galabta nuqul ka mid ah soo gaadhsiisay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hargeisapress.com, waxaanay tidhi

 

“Aniga oo ah Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan waxaan halkan tacsi uga dirayaa, guud ahaan shacbi weynaha reer Somaliland,Waxgaradkii,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo gaar ahaan Bahda Saxaafada,isaga ka tacsiyadeeyay geerida ku timi Alle ha u naxairrste Marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo saaka ku geeriyooday dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.

 

Suldaan Xasan waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir adag oo ka baxay inta Afka Soomaaliga ku hadasha, iyo Qaranka Somaliland-ba, sidoo kale  waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo saaxiibtinimada ku wanaagsan, oo kaftan baddan, oo uu ILAAHAY siiyay cod gaar ah, waxaanu ahaa marxuum nin sheeko baddan oo farxaana oo dadka jecel.

 

Suldaan Xasan waxa uu ILAAHAHAY uga baryayaa inuu naxariistii jannatul fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here