Suxufi Axmed Cismaan Batuun Oo Maanso kooban oo Baroordiiq iyo Duco ah Ka Tiriyey Geeridii Ku Timid Marxuum Axmed Xasan Cawke

0
1264

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wariye  Axmed Cismaan Batuun oo ka mid ah suxufiyiinta Somaliland ayaa  Geeridii Ku Timid Marxuum Wariye Axmed Xasan Cawke Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee ayaa maanso kooban oo baroordiiq ah ka tiriyey geerida naxdinta lahayd ee ku timid Marxuumka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cadceedii timaadaba
Cidhifyada aduunyadu
Waxay caam ku tahayoo
cidna aanay seegayn
Waa in laga carraabiyo 
Xukun caadil keenaye
Maka hoyday caawana
Shaqsi caan ahaa iyo
Codkii doobyi jirayee
Axmed cawke dunidii
Ma cabiri karaayoo
caynkuu ahaa iyo
Cududiyo laxaadkii 
Cawke waa la sheegaye
Waxa aan cuskanayaa
Intuu curad barbaashiyo
Kuwa uu cilmiga baray
Intii talo cuddoon iyo 
Caqli uu ku biirshee
Ku ciil baxay dariiqaa
Cidi koobi maysoo
Waxa uu ku caan baxay
Deeqsinimo cajaayiba
Waxa caalamkoo idil 
Cawke lagu xasuustaa
cadaan iyo madaw iyo 
Caruur iyo cirrooliyo
Cid kastoy ahaataba
Nin aan kala colodhinoo 
ruuxna aan collaysane
Caadi loogu simanyahay
cawke wuxu ahaayoo
Cid waliba ka marag tahay
Shaqsi camal samaantiyo
Codkarnimo layaabliyo
Run ku caano maaloo
Fikradaha cabira oo
Intuu hadalo culusyahay
Qof ka caajisaynoo
Dadku caam ahaantii
Ay wada ciseeyaan
Caadiloow alahayoow
waxan kaa codsanayaa
Ku casuun marxuumkaa
Janadii casiisoow.

AAMIIN AAMIIN
ilaahay waxaynu ergo uga nahay inuu janooyinkiisa geeyo (Axmed Xasan Cawke) waxaan hubaa in la tabi doono in badan,la oo xusuusnaan doono, waxaana si gaara ii damqaya dhiirigalintii hufnayd ee joogtada ahayd ee uu siin jiray dhalinyarta gaar ahaan bahda suugaanta,iyo warbaahinta ilaahay samir ha inaga wada siiyo isagana ha u naxariisto. AAAAAMIIIIIIIIIN.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here