“Suldaan Wabar Gadabuursi xoree jabhad noqo oo dadka boob umaanaan dooran”….

0
617

Boorama (Hargeisa Press): Madax dhaqameedka beesha Jibriil Yoonis (Gadabuursi) ayaa ku eedeeyay suldaan Wabar inuu ka leexday u jeedadii ay u doorteen ee madax dhaqameednimo iyo hogaaminta beeshiisa.

Waxaanay sheegeen in aanay suldaan Wabar u dooran in uu noqdo jabhad, dilaa ama dadka  boobo ama in uu cid xoreeyo, balse ay u doorteen in uu noqdo suldaan wixii beeshiisa ka maqan si nabadgeliyo ah ugu raadiya.

Madax dhaqameedka beesha Jibriil Yoonis, waxay cadeeyeen in aanay ku raacsanay suldaan Wabar ficiladda uu hadda wado, isla markaana aanay marnaba raali ka ahayn, iyagoo ugu baaqay in uu joojiyo waxyaabaha uu wado.

Madax dhaqameedka beesha Jibriil Yoonis, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Boorama waxay si adag u difaaceen in aanay marnaba ka suurtoobin in la bur-buriyo Somaliland, maadaama oo beel ahaan kaalin weyn ku lahaayeen dhismaha Somaliland.

Sidoo kale waxay madax dhaqameedkani ugu baaqeen suldaan Wabar in uu ka soo noqdo weeraradda uu xukuumadda Somaliland kaga soo hor jeedo, isla markaana ay ergo u dirayaan cafisna ay dawladda u waydiinayaan.

Halkan Ka Daawo Shirkaasi Jaraa’id:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here