Daawo: Dr. Axmed Xuseen Ciise Oo Sharaxaya Muhiimadda Shaybaadhka Xanuunadda

0
681

Hargaysa (Hargeisa Press): Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo ka mida dhakhaatiirta waaweyn ee reer Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyay siyaabaha loo baadho xanuunadda qarsoon ee aan qofka bukaanka ah laga arki karin.

Xanuunada uu ka warbixiyay waxaa ka mida cudurka macaanka waxyaabaha keena xanuunadda sanadahan danbe aad ugu soo kordhay dadka Soomaalida ah, Jooniska iyo qaar kale.

Dr. Axmed, oo marti ku ahaa barnaamijka caafimaadka ee TV-ga qaranka Somaliland, waxa barnaamijkaasi si faahfaahsan ugaga hadlay muhiimadda uu leeyahay shaybaadh in qofka bukaanka ah lagu sameeyo, ka hor inta aan daawo loo qorin.

Siyaabaha la isaga ilaalin karo xanuunadda sanadahan danbe ku soo batay bulshadeena oo uu ka mid yahay Macaanka iyo siyaabaha loo baadho.

Waxaanu sheegay in haddii aanu qofka dakhtarka ahi haysan shaybaadh sax ah in ay dhici karto in qofka bukaanka ah laga daaweeyo xanuun aanu qabin, isla markaana ay taasi dhibaato ku keenayso qofkii bukaanka ahaa.

Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo wax ku soo bartay dalka Maraykank oo uu ku noolaa muddo dheer ayaa si gaara aqoon ugu leeyahay, isla markaana ku takhasusay  qaybaha difaaca jidhka bini’aadamka (Immunity)  iyo shaybaadhka (Laboratory).

Waxaana magaaladda Hargaysa ka hirgeliyay  laba cusbitaal oo uu ka mid yahay cusbitaalka la yidhaahdo Daryeel.

Geesta kale Dr. Axmed Xuseen Ciise, kuma koobna oo keliya dhinaca caafimaadka balse waa maamulaha guud ee jaamacadda Abaarso Tech oo ku taalla magaaladda Hargaysa.

Halkan Hoose Ka Daawo Barnaamijkaasi Oo Dhamaystiran:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here