Soomaaliya: Midawga Murashaxiinta Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Farmaajo

0
381

Muqdisho (HP): Golaha Midawga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu madaxweyne Farmaajo maamulka iyo amniga hawlaha doorashooyinka ugu wareejiyay raysal wasaare Rooble.

Kadib markii shalay uu madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo,  golaha shacabka ka dalbaday in ay ka noqdaan muddo kordhintii labadda sanadood ahayd ee ay haayadaha dawladda u sameeyeen 12-kii bishii hore.

War-murtiyeed ay maanta soo saareen golaha midawga murashaxiinta Soomaaliya waxay ku sheegeen in ay soo dhawaynayaa in raysal wasaaruhu uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka iyo amniga dalka.

Sidoo kalena waxay midawga murashaxiintu shacabka Muqdisho uga tacsiyadeeyeen culayskii maalmihii tegay soo food saaray ee sababay dhimasho, dhaawac iyo barokacba.

Waxa kaloo ay midawga murashaxiintu ay soo jeediyeen maadaama oo ay ciidamadii qaranku ku kala qayb sameen difaaca iyo diidmadii muddo korodhinta in xukuumadu ay magacawdo hogaan midayn karra ciidanka, abuuri karana kalsooni dhex dhexaad ah.

Golaha murashaxiinru waxa uu ka digayaa in laga aarguto ciidankii diiday muddo kordhintii, isla markaana la duusiyo xuquuqdoodda.

Geesta kale golaha midawga murashaxiintu waxay war-murtiyeedkoodda ku sheegeen in ay diyaar u yihiin inay si buuxda ugala shaqeeyo raysal wasaaraha qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale waxay sheegeen murashaxiintu in ay diyaar u yihiin ka qayb galka shirka wada tashiga, si ay Miiska wada hadalka u soo saarro tabashooyinka ku aadan heshiiskii 17-kii September.

Dhinaca kale, murashaxiinta Soomaaliya waxay u mahad celiyeen maamul goboleedyadii  diiday muddo korodhsigii madaxweynaha iyo haayadaha dawladda federaalka ah iyo sidoo kale wadamadii beesha caalamka ee taageeray arrintaasi.

War-murtiyeedka Midawga Murashaxiinta Soomaaliya Waxa uu U Dhignaa Sidan:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here